Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen oo markii 10 aad soo riday diyaarada MQ-9 Reaper ee Maraykanku lee yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726471272486.jpg?resize=720%2C48

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa soo riday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper, sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh kooxdaasi.

Afhayeenka kooxda , Yaxye Sariic ayaa la filayaa  in uu maanta soo bandhigo warsaxaafadeed la xiriira howlgalka ay diyaaradan ku soo rideen, xilli ay ka waday galbeedka Yemen howlgal basaas.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii November ee sannadkii hore waa diyaaraddii 10 aad ee ah nooca MQ-9 Reaper oo ay soo ridayaan Xuutiyiinta.

Mid kasta oo ka mid ah diyaaradan waxay joogta 32 milyan oo doollar, waxaana loo arkayay ka hor November, mid ka mid ah diyaaradaha ugu halista badan nooca aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh inay gantaallo culus xambaarto.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta Yemen oo markii 10 aad soo riday diyaarada MQ-9 Reaper ee Maraykanku lee yahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this