Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in laba dowlad aysan ka jiri karin Boosaaso kadib xiisadda soo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamuud-Caydiid-Dirir.jpg?fit=1489%2C11

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland oo war culus soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso, kadib markii ay tallaabo qaadeen ciidanka PSF, taas oo keentay inuu xirmo garoonka magaaladaasi.

Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta xukuumaddda madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay  in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda, wuxuuna sheegay inay ka hortegayaan cid kasta oo kasoo horjeedo Puntland.

Wasiirka ayaa ku dooday in Puntland ay mandate u haysato inay maamusho guud ahaan deegaannadeeda oo ay ku jirto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabaan ciidanka Puntland Security Force (PSF), isaga oo sheegay in loo baahan yahay in cabashadooda usoo maraan sharciga.

“Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta ay istaagtay shaqadii garoonka Boosaaso, sababo la xiriira digniinta kasoo baxay ciidanka PSF ee deggan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi.

The post Puntland oo sheegtay in laba dowlad aysan ka jiri karin Boosaaso kadib xiisadda soo korortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this