Sign in to follow this  
Deeq A.

GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
460162272_933627002141838_57805834140636

Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaais, kuwaas oo la qaadanayo saraakiisha ciidanka Xoogga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa uu ka bilaabay Balcad uu la xiriiro abaabula dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo furi lahaa waddada dheer ee Jowhar.

“Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah ula shiray Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Genaral Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta, wuxuuna dhammaantood kala hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Inta badan kulankan waxaa looga hadlay  sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

“Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle oo shirka hadlay

Waxaa kale oo uu umahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa in la xoreeyo deegaano ku yaalla halkaasi.

HirShabelle ayaa waxaa ka soconayo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu ujeedkooda uu yahay in kooxda looga sifeeyp deegaanada ay kaga hareen maamulkaas.

459831820_933627188808486_56462922446741 459939793_933627292141809_67321249468365 459974485_933627138808491_52543792376165 460004573_933627265475145_27142358265392 460042395_933627245475147_78250734678279 460162272_933627002141838_57805834140636 460211062_933627125475159_34393776135078

The post GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this