Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Jamhuuriya Celebrates Its 17th Anniversary, Honors the President

Recommended Posts

Hargaysa,(Qarannews)- Wargayska ugu faca weyn wargaysada ka soo baxa Jamhuuriyada Somaliland ee Jamhuuriyo ayaa maanta 17'toban jirsaday, wargayskaasi oo ah wargays madax banaan waxa uu soo maray maraxalado kala duwan isaga oo ah wargays madax banaan isla markaasna dhex ka ah siyaasda Somaliland, wargayskani oo intii uu jiray abuuray wariyayaal iyo tafatirayaal hana qaaday, kuwaasi oo ku kala baahsan badiba saxafadaha kala gadisan ee dalka, sidoo kale waxa uu ka midka yahay saxaafada sida joogtada ah uga hawl gasha gudaha iyo dibadaba isla markaasna akhristayaasha ku hadla afka Somaliga gaadhsiisa dhacdooyinka caalmka iyo kuwa geeska Afrika siiba wararka Somaliland, iyada oo wargayska xaruntiisu tahay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

 

Hadaba Wargeyska Jamhuuriya oo sanad guuradiisii 17-aad xsusay maanta, waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane

Daahir Rayaale Kaahin, sidaasina waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayenka madaxtooyada Somaliland, warsaxaafdeedkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada Qarannews, warkaasi oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan.

 

Madaxweynuhu, hadal kooban oo uu munaasibadaasi shahaado sharafta kaga

gudoomay Wargeyska Jamhuuriya ka jeediyay, waxa uu ugu mahad naqay

Wargeyska iyo maamulayaashiisa garashada ay garteen in ay shahaado sharaf

ay siiyaan.

 

Waxa aan aad u rajaynayaa in horumar aad gaadhi doontaan , iyada oo aad

tihiin Wargeyska ugu da'da weyn Wargeysyada ka soo baxa Somaliland, waxase

aan idinku dar daarayaa in had iyo jeer aad noqotaan kuwo qoraalkiinu ku

salaysan yahay Runta iyo xaqiiqada hadba jirta, waxaanan idiin rajaynayaa

in aad noqotaan mustaqbalka Wargeys caalamiya oo adduunka meelo badan laga

akhristo".

 

Munasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Mulkiilayaasha, Maamulayaasha ,

Tifaftirayaasha iyo Weriyayaasha waxa ay shahaado sharafta ku qeexeen in

uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si sharaf leh u mutaystay

hanaanka dimuqraadiyada, isaga oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee

doorasho xor iyo xalaal ah ka hir galiyay dalka.

 

RayaaleJamhuuriya.JPG

RayaaleJamhuuriya2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I love Jamhuriya. Their stuff are doing a good job.

 

I remember when I was growing up in Hargeysa, the teacher in our Afsomali class would always bring an article and challenged us to read it in front of the class. I also love their 'dhanxiir' column. It's very creative and orginal. Waqar!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this