Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   
download.jpeg?fit=2520%2C1680&ssl=1

Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan suurtagalnimada weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Digniintan ayaa waxa ay kasoo baxday safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee ku yaalla Nairobi, waxayna farriin u diray muwaadiniintooda ku sugan gudaha waddanka Kenya.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in weeraradan qaraxyada ah lagu beegsaday hoteellada waa wayn, safaaradaha, maqaayadaha suuqyada iyo saldhigyada ciidamada, waxayna ugu baaqeen muwaadiniintooda inay muujiyaaan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in kooxaha argagixisadu ay beegsan karaan meelaga ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan kuwa dalxiisayaasha ee tega Kenya.

Waxaa kale oo digniinta lagu sheegay inuu dhici karo afduub lagula kaco dadka kasoo jeeda reer galbeedka ee ku dhaqan halkaasi, loona baahan yahay taxadar iyo dadaal dheeri ah.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Kenya oo ku aadan weeraradan laga digay inay ka dhici karaan dalkaasi.

Horay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

The post Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca KENYA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this