Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Jubbaland.jpg?fit=1920%2C1280&ssl=1

Kismayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa ka hortegay weerarka Al-Shabaab, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

War kooban oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab oo uu ujeedka ahaa in lagu beesado ciidanka deggan Janaay Cabdalle.

“Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada hoose ayaa fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay doonayeen in Khawaarijta ay kusoo qaadaan saldhigga ciidamada ee deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in goobta lagu dilay 5 xubnood, ayna maydadkooda iyo kuwa kale oo dhaawac ah ka carareen kooxdii weerarka soo qaaday.

“Maleeshiyaadkii weerarka fuleynimada ah soo qaaday waxaa loo dhigay cashir aysan iloobin doonin iyagoo isaga cararay meydadka shan kamida khawaarijta iyo dhaawaca qaar kamida Argagixisadii.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

Horay sidaan oo kale ayaa kooxda Al-Shabaab loogu jabiyay weerar ay kusoo qaadeen Buulo-xaaji, waxaana kadib madaxweynaha Jubbaland uu abaal-mariyay ciidamadii ka hortegga sameeyay ee jilibka u dhigtay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

The post Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this