Sign in to follow this  
Deeq A.

Wajigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo baaqday + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
454878880_1092586592429569_5192220191606

Anakara (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday wajiga saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida uu qorshuhu ahaa 17-ka bishan ayaa la filayay in dib loo amba qaado wada-hadallada, si looga xaajooda xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland

Sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulankan ayaa ah in weli uusan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo ay labada dhinac ka sameeyeen xiisadda taagan, waxaana Itoobiya ay ku dhagan tahay heshiiska badda, halka Soomaaliya uu weli halkeedii yahay mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada wajiga saddexaad ayaa kusoo aaday, iyadoo xiisadda ay kasii dareyso, isla markaana labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka magaalada Ankara.

Shirkan ayaa noqon lahaa kii saddexaad oo ka dhaca Turkiga, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar.

The post Wajigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this