Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalashada Nebi Muxamed(NNKH) oo maanta dunida Islaamka looga dabbaal-degayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimiinta dunida ayaa maanta u dabbaal-degaya dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo ku beegan 12-ka bisha ay Soomaalidu mowliidka u taqaanno, madaxda Islaamka ayaana bulshooyinkooda u diray tahniyado ku aaddan munaasabadan qeymaha badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo dadyowga Islaamkaba ugu hambeeyay munaasabadda mowliidka, asagoo ku booriyay inay ku daydaan dhaqankii suubanaa ee Rasuulka (NNKH).

Sidoo kale shaqaalaha dowladda ayaa la fasaxay si loo muujiyo weynaynta munaasabaddan diiniga ah, waxaana la filayaa in maanta caasimadda dalka iyo gobolladaba lagu qaban doono xaflado waaweyn oo ku saabsan mowliidka.

Nebi Muxamed (NNKH) oo ahaa Rasuulkii ugu dambeeyay ee Illaahay soo diray ayaa ka tagey dhaxal diimeed oo ah manhajka dhabta ah ee bulshada Islaamka, waxaana xilliyada mowliidka lays xasuusiyaa sooyaalkiisii muunadda lahaa iyo dayashada dhaqankiisii suubanaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this