Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku dhawaaqay cuna-qabatayn ka dhan ah shirkadaha gantaallada Sameeya ee Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday wareeg cusub oo cunaqabatayn ah, taas oo lagu beegsanayo shirkad Pakistani ah iyo dhowr hay’adood iyo hal qof oo Shiineys, kuwaas oo ku lug leh qalabka iyo teknoolajiyada loo adeegsado horumarinta gantaallada ballistic-ga ee Pakistan.

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa wareeggii lixaad ee cunaqabataynno uu Maraykanku ku soo rogayo shirkadaha Shiinaha iyo Pakistan tan iyo bishii Noofambar ee sanadkii 2021.

Maraykanku waxa uu sheegay in uu cunaqabatayn u adeegsanayo si uu uga hortago faafidda hubka wax gumaada ee loo yaqaanno (WMD), gaar ahaan hubka riddada dheer.

Dhanka kale Shiinaha ayaa cuna-qabatayntan adag uga soo horjeestay, asagoo ku tilmaamay mid aan sal ku lahayn sharciga caalamiga ah ama oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Liu Pengyu, oo ah Danjiraha Shiinaha ee Washington.

Si kastaba ha ahaatee tillaabadan ayaa loo arkaa mid xariir la leh loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca wax soo saarka hubka, waxaana la filayaa in Beijing ay ayaduna arrintan cuna-qabataynno kale uga jawaabi doonto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this