Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha Cuman

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooni ganacsi oo lagu magacaabo “BLUE STAR” ayaa ku gubtay xeebaha dalka Cumaan xalay saqdhexe sida ay xaqiijiyeen ganacsato ku sugan Boosaaso.

Doontaan ayaa kusoo jeeday magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ganacsatada doonidaan ayaa u siday badeecado kala duwan dadka Soomaaliyeed, taasoo muhiim u ahayd ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Dhacdadaan ayaa saamayn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhaqaalaha gobolka.

Waxaa soo laab laabtay gubashada doomaha ganacsi ee ka yimaada dalalka Carabta waxaa la sheegay in mararka qaar ay keenaan arrimo ganacsi.

Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa dhibaato badan ku qaba dhacdooyinka, sanadwalba waxa ay ku waayaan Malaayiin doollar.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this