Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 64 qof oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen webi ku yaalla Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   
53d231d2-e019-4ab7-9f58-572bb3ab2d5f_w40

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Nigeria ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ugu yaraan 64 oo qof ay ku hafteen webiga gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, kaddib marki ay qallibantay dooni ay la socdeen.

Doon ka sameysneyd alwaax oo ay la socdeen ilaa 70 qof oo beeralley ah ayay wararku sheegayaan in ay ku gaddoontay meel u dhaw degmada Gummi aroornimadi hore ee Sabtidi shalay, xilli ay rakaabka saarnaa isku dayayeen in ay gaaraan beerahooda oo ku yaalla daanta kale ee wabiga.

Dad u badnaa kuwa deegaanka oo is abaabulay ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan, balse saacado kaddib dib uga soo laabtay biyaha kaddib marki ay soo badbaadiyeen lix ka mid ah 70-ka qof.

Aminu Nuhu Falale oo ka mid ah maamulka dowladda hoose ee degmada Gummi ayaa sheegay, in tani ay tahay dhacdadi labaad oo deegaanka ka dhaceyso. Wuxuu kaloo sheegay, in maalintiiba ay wabiga isaga tallaabaan in ka badan 900 oo beeralleey ah.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 64 qof oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen webi ku yaalla Nigeria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this