General Duke Posted April 13, 2009 Duqayn ka Socota Muqdeisho iyo Dhiigga Shacabka oo Monday, 13 April 2009 14:16 Goobjoog Reporter Waxaa maanta ka billawday magaalada Muqdisho duqayn ia isdhaafsanayaan ciidamada AMISOM iyo dagaalyahannadda dagaalka ka wada magaalada Muqdisho, taasoo gaysatay khasaaro ba'an. Duqaynta ayaa ay billaabeen kooxaha dawladda kasoo horjeeda kuwaasoo sida muuqata doonayey inay waxyeello gaarsiyaan, ama carqaladeeyaan ama aysan si nabad ah ku dhammaan booqashada oo halkaasi ku yimid xubin ka tirsan kongareeska Maraykanka, taasoo ay u arkayaan haddii ay nabad ku dhammaato booqahsadiisa inay dhirbaaxo ku tahay siyaasadda kooxahan. Ciidamada AMISOM oo iyana dhirbaaxo ay ku tahay in garoonka iyo dekadda qura ay jogaan ay ammaankoda sugi kari waayaan, wafidgan heerka sare ahna uu la kulmo duqaymo lagu beegsanayo ayaa si naxariis la'aan u qaybiyey madaafiic inta badan lala beegsado suuqa Bakaaraha maadaana aysan jirn meel ay jawaabta ugu hagaajiyaan kooxaha meelo kala duwan si dhuumaalaysi ah uga soo tuuraya hoobiyayaasha. Tani waxay gardarro iyo xad gudub ku tahay shacabka ku nool magaalda Muqdisho oo aan raalli ka ahayn inta badan dagaallada dushooda ka dhacaya. Shacabku inkastoo aysan weli garin heer ay gacantooda iskaga qabtaan waxa ka dul dhacaya hadana waxaa gardarro ku ah AMISOM ay madaafiic ugu soo jawaabto suuqa bakaaraha oo ka fog goobta garoonka ama dekadda. Sidoo kale waxaa shacabka dhiiggiisa xad gudub ku ah hoobiyaasha ay tuurayaan kooxaha dagaalka wada oo iyagu u adeegsanaya hoobiyasha ay tuurayaan iyo jawaabta ka timaadaba bayaan siyaasadeed iyo waa joognaa oo qasi karnaa ee ogaada. Kooxahan oo laga filayey inay shacabka kaga arxan roodaan ciidamada shisheeye, dhiigga shacabka beekhaamiyaan oo isku miisaan waxa uu tuurayan iyo dhibaatada ka dhalan karta iyo faa'iidada ay ka filan karaan ayaad mooddaa in ay dhaqankii qabqablayaasha lasoo baxeen o duqaynta u adeegsan jiray mawqfi siyaasadeed balse aan dan ka lahayn haddii kun jeer waxa ay samaynayaan ay ka khasaaro badan tahay waxa ka dhalanaya. Sida muuqata waxaa uga xanuun badan dhibka shacabka kasoo gaaraya dagaalladan aysan wax guul muqata ka gaarayn in wafdi yimaado oo nabad ku baxo oo taasi u arkan in iyagii jirintaankoodii ay culays ku tahay. Boqashada ajaanibta ay ku imaanayaan dalka ayaa ka dhacda gobollada kala duwan oo dalka ah oo kooxo iiyo maamullo kala duwan gacanta ku hayaan mana jirto duqayn lala begsado ama arbush waxaadse mooddaa in shacabka Muqdihso ay tani ku noqotay dhibaato u gaar ah oo aan lalaga nixin dhiigoodaana aan dan laga lahayn macno darrada ku daadanaya. Dawladda ku meelgaar ah ayaa sidoo kale ay dhib weyn ku tahay madaafiicda AMISOM ay shacabka u qaybinayso oo haddii aysan wax ka bedelin ama qaban ay noqonayso mid aan wax kaalin muuqata ku lahayn waxa meesha ka dhacaya ama raalli ka ah wax ciidamada AMISOM samaynayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites