Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxooti ay Soomaali ku jirto malaayiin dollar la siinayo si ay dalkooda ugu laabtaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay lacag malaayiin dollar ah ku dhiirigelineyso qaxootiga ay ku jiraan Soomaalida doorta inay dalalkooda iskood ah ugu laabanayaan.

Talaabadan oo la dhaqan galin doono laga bilaabo sanadka 2026, ayaa galootiga si iskood ah uga taga Sweden waxay ku heli doona lacag dhan 350,000 oo karoon Swedish ah, taas oo u dhiganta ilaa $34,000 oo deeq ah, sida ay sheegtay shabakadda  Channels News.

Qorshahan ayaa qayb ka ah siyaasadda  cusub ee ay waddo dowladda, taas oo lagu dhimayo dadka soogalootiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira isdhexgalka bulshooyinka.

Xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Ulf Kristersson ee Sverigedemokraterna oo xukunka qabtay 2022 ayaa bilihii la soo dhaafay u ololeynayay in la adkeeyo kantaroolka socdaalka, islamarkaana ay isbadel ku samaysan doonaan hannaanka socdaalka dalkaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this