Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Ingiriiska iyo Canada oo adeeg sirdoon u aqoonsanaya warbaahinta dowladda Ruushka ee RT

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726291394669-1.jpg?resize=408%2C

Mareykanka , Ingiriiska iyo Canada ayaa doonaya in inay adeeg sirdoon u aqoonsadaan shabakadda warbaahinta dowladda Ruushka ee RT.

Saddexdaasi dal ayaa ku eedeeyay in kanaalkaasi uu u shaqeynayo hab uu ku aruurinayo macluumad , sida u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Maraykanka ayaa toddobaadkii hore dacwad ku soo oogay laba ka mid ah shaqaalaha RT , waxaanay ku soo rogeen cunaqabatayn tifaftiraha guud ee Margarita Simonyan.

Sababta waxay ku sheegeen in ay la xiriirto in uu abaabulay qorshe lagu shaqaaleysiiyay shirkad Maraykan ah si ay u soo saarto wax shabakaddo baraha bulshada ah si ay saamayn ugu yeeshaan doorashada Mareykanka ee November.

Blinken ayaa wariyayaasha u sheegay in hay’adaha warbaahinta Ruushku ay u shaqaynayaan sida cudud dhab ah oo ka tirsan sirdoonka Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka Ingiriiska iyo Canada oo adeeg sirdoon u aqoonsanaya warbaahinta dowladda Ruushka ee RT appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this