Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo heshiis afar qodob ka kooban ku gaaray magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726289596148.jpg?resize=720%2C64

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa xalay Shir Wada jir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayay ku sheegeen in Shirkoodu uu ku saabsanaa Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Isu socodka labada dhinac.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen 4 qodob oo muhiim u ah Iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.

Qodobka kowaad ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa dhigaya Xoojinta Iskaashiga Amniga, Nabadaynta, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Is dhexgalka Bulshada Puntland iyo Galmudug.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1726289540100.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo heshiis afar qodob ka kooban ku gaaray magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this