Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo qaaday tallaabo militari oo khatar gelisay Maraykanka iyo dalal kale

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726312200148.jpg?resize=720%2C54

Ruushka ayaa qaaday tallaabo aan horey loo arag, kaddib markii diyaaradihiisa sahanka badda ee Tu-142 uu gudaha u geliyay meel aan ka fogeyn hawada Mareykanka, Canada, Jarmalka, Japan illaa Kuuriyada Koonfureed, waa mid ka mid ah dhaqdhaqaaqii ugu weynaa ee militari oo uu sameynayo Ruushka tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Taliska difaaca cirka ee waqooyiga Ameerika (NORAD) oo ay ku mideysanyihiin Mareykanka iyo Canada , waxay sheegeen 48 -dii saac ee la soo dhaafay laba diyaaradood oo Ruushka leeyahay inay ku duuleen aagga aqoonsiga difaaca cirka Alaska (ADIZ).

Balse waxay sheegeen in aysan diyaaradahan gudaha usoo gelin hawada Mareykanka iyo Canada. Ciidanka Jarmalkana waxay sheegeen inay celiyeen diyaaradda Tu-142 oo ay wehelisay diyaaradda Su-30 oo heehaabayay badda Baltic, halka wasaaradda difaaca Japan ay sheegtay in diyaaradda Ruushka ee Tu-142 ay ku duushay badda u dhexeysa Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Khilaafka reer galbeedka iyo dalalka ay taageerraan oo dhinac ah iyo Ruushka ayaa meel sare gaaray , iyadoo laga digayo ficillada labada dhinac inay ka dhashaan iska horimaad, wax walba ayaa sare mari kara haddii NATO ay oggolaato Ukraine inay gantaallada riddada dheer ku garaacdo gudaha dhulka Ruushka oo la arko dab qabsaday saldhigyada militari ee Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo qaaday tallaabo militari oo khatar gelisay Maraykanka iyo dalal kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this