guraad Posted March 6, 2004 London,06-03-04 Sabti:-Dadweynaha Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska Gaar ahaana Magaalada London ayaa waxa ay abaabul ugu jiraan sidii ay u soo qorshayn lahaayeen bannaanbax aad u Balaadhan oo lagaga Soo horjeedo Booqashada Riyaale uu ki imanayo Dalka Ingiriiska. Booqashadan Riyaale ayaa la sheegayaa in aanay dawlada Ingiriisku wax shaqo ah ku lahaynn oo ay casuumeen hay'ado NGO Ah, waxaana la sheegayaa in tigidhada iyo kharashka ku baxaya safarkan ay bixiyeen oo ay qaadhaameen maalqabeeno ay ka mid yihiin Ninka Iska leh Shirkada Xawaalada ee Dahabshiil , Ina Boodhle,ninka iska leh Huteelka Ambastoor, Indha Deero iyo Rag kale oo badan. Warar xog-ogaala ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay doonayaan Riyaale iyo Kooxda la socotaa in ay safarkan ku kala bixiyaan gobolo badan oo ka tirsan Ingiriiska, si ay gacan maris u soo sameeyaan, markii uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi , gaar ahaan xoolaha nool iyo bagaashkii oo siyaasad xumida Riyaale isku taagay. Mudaharaadadan ayaa waxa qaybweyn ka qaadan doona dadka Soomaalidaha ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska iyaga oo ka hortagaya in lama jara habaabiyo ra'yal caamka Ingiriiska, waxaana hadda socda shirar lagu abaabulayo Mudaharaadkaas, iyada oo ay hormoodka yihiin mudaharaadkan jaaliyada u dhalatay Gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn, oo doonaya in ay muujiyaan in ay midnnimada Ummadda Soomaaliyeed tahay mid Muqadas ah. Magaalada London ayaa waxaa iyaguna abaabul ka wada , qomiyada ka soo jeeda beelaha *****, oo iyaguna u ololaynaya in ay qabtaan muddaharaadyo lagu taageero imaatinka Riyaale, waxayna culayska Saareen sidii ay dad aad u tiro badan u soo jiitaan iyaga oo Kharash aad u tiro badan adeegsanaya oo ay bixiyeen ganacsadata ay Hormoodka ka yihiin , Ina Boodhle iyo Dahabshiil. Waxaana ay dadka Telefoonada Mobilka aha ama kuwa gacanta lagu qaato u dirayaan dhanbaalo, ay kaga codsanayaan in ay kala soo qaybgalaan Dibad baxaas. London www.RadioLaascaanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites