Sign in to follow this  
Deeq A.

250,000 xirfadleyaal caafimaad oo u dhashay Kenya oo shaqo ka heli doona dalka Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladdaha Kenya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday Heshiis cusub oo ka kooban qodobo muhiim ah oo loogu tala galay in sare loogu qaado shaqo abuurka Xirfadlayaasha Kenya.

Heshiiskaan waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Kenya.

Heshiiska Jarmalka iyo Kenya wuxuu ka kooban yahay laba qodob oo waaweyn:

  1. Shaqooyinka Xirfadlayaasha Caafimaadka: Jarmalka ayaa oggolaanaya in xirfadlayaasha caafimaadka ee ka yimaada Kenya ay ka shaqeeyaan gudaha Jarmalka. Waxaa la filayaa in Jarmalku uu qaato 250,000 xirfadleyaal caafimaad oo ka soo jeeda Kenya, taas oo ka caawinaysa Jarmalka inuu buuxiyo baahida sare ee shaqaale caafimaad.
  2. Dib-u-celinta Muwaadiniinta Kenya:
    Heshiisku sidoo kale wuxuu Jarmalka u oggolaanayaa inuu dib ugu celiyo muwaadiniinta Kenya ee aan loo aqbalin codsiyadooda magangalyo doonka. In ka badan siddeed boqol (800) oo Kenyan ah ayaa la filayaa in loo celiyo Kenya sida qayb ka ah heshiiskan.

Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada labada dal ee ku aaddan xallinta caqabadaha socdaalka iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo shaqo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this