Sign in to follow this  
General Duke

Up date on Balcad meeting.......

Recommended Posts

Kulankii mal mahaan lahadal haayey oo ka dhicilahaa dagmada balcad oo u muuqda mid fashilmaya

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

www.goobjoog.net

 

 

Liibaan cabdi Cali,Muqdisho

Kulankaan oo dhaxmari lahaa isbahaysigii la oran jiray samabixinta oo hada ay mas'uuliyintiisa kawada tirsan labada gole ee dowlada oo maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay in uu ka dhici doono degmada balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxa uu muran xoogan kataagay yahay qabsamidiisa

 

 

 

Mas'uuliyiinta dowaldda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa war ay ka soo saareen gabagabada kulamo malmahan u socday waxaa ay ku sheegeen in kulankoodii degmada balcad ka dhici lahaa uu ku yimid dib u dhac,iyagoo aan cayimin xilliga rasmi ahaaneed ee uu dhici doono.

 

Mas'uuliyiintan ayaa kulamadoodii ugu danbeeyay waxaa ay ku kala yeesheen hotelada Amiira iyo Saxafi ee magaalada Muqdisho ,waxaana ka qeybgalay wasiirada hubeysan ee kala ah :Muuse Suudi ,maxamed Qanyare,barre Hiiraale iyo Xildhibaan Xaabsade walow uu ka maqnaa wasiirka howlaha guud iyo guryenyta Cusmaan caato oo ilaa iyo iminka aan la sheegin sababta uu uga maqnaaday kulankaasi

 

Maxamed Qanyare oo kulankii hotel Amiira ka dhacay kaddib warfidiyeenada la hadlayay ayaa sheegay in wali aaney si rasmi ahaaneed kaga hadlin kulanka balcad ,waxaase uu kadhawaajiyay inloo maleynayo malinta Sabtida ah ee inasoo aadan in ay ka wadahad lidoonaan kulanka balcad..

 

Dhinaca kale maxamed Qanyare ayaa su'aalo dhowr ah oo ay wariyayashu weydiyeen ayaa waxaa kamid ahayd sida uu u arko warkii ra;isul wasaare geedi kasoo yeeray ee ku aadanaa in uu xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ku qabandoono kulan ay xubnaha golaha wasiiradu kasoo wada qeybgeli doonaan,waxaana uusheegay in wali aaney iyaga soo gaarin waraaqo arrintaa ku saabsan oo dhanka ra'isul wasaaraha ka yimid. waxuuna cara baabay in ay kulan kaasi aysan ka qabgali doonn ilaa ay bka helaan casuumaad rasmi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Shir maanta ka dhacay magaaalda Muqdisho loogana hadlayay sidii beesha a Reer Mataan ee ****** oo ah beesha degta Balcad ay u ogolaan lahayd in shir ballaaran uu kadhoco Balcad oo lagu kala dareeray.

- Wednesday, September 21, 2005 at 15:21

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu kala dareeray shir ay lahaayeen hogaamiye kooxeedyada Muqdisho iyo odayaal kasoo jeeda beesha Reer Mataan ******.

 

 

 

Shirkaan ayaa waxay hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ee kala ah , Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow , Barre Hiiraale iyo xubno kale ay ku doonayeen inay odayaasha beesha ku qanciyaan inuu shir uga furmo magaalada Balcad.

 

 

 

Odayaasha Reer Mataan ayaa arintaasi si gaar ah iyo si guudba uga wada hadlay , waxayna isla jeex jeexeen fikradda ay soo jeediyeen wasiirada ku jira dawladda.

 

 

 

Odayaashu waxay sheegeen inaysan macquul ula muuqan inuu shir is bahaysi uu ka dhoco magaalada Balcad taasoo keeni karta isku dhac beesha naf ahaanteeda iyo iskudhac umadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Dhowr goor ayay isku dayeen inay hogaamiyeyaasha wasiirada ka ah dawladda ay odayaasha beesha ka dhaadhiciyaan ogolaanshaha shirkaasi , hase ahaatee markii ugu danbasyay ayaa shirkii lagu kala dareeray ayadoo uusan wax is fahan ah ka dhicin.

 

 

 

Odayaasha beesha Reer Mataan waxay sheegeen inay tix galinayaan qaraarkii dhawaan kasoo baxay beesha Muddullood ee ah in laga hortago shirka la sheegayo inuu ka dhacayo magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

 

 

 

Xilligii la ballan qaaday shirkaasi oo taagan iyo ayadoo lagu heshiin waayay in shirkaasi la ogolaado waxay sii adkaysay in is bahaysiga Baraawe ay u suuro gasho inay inay fariisin ka dhigtaan degmada Balcad oo ah meel aan ka fogayn degmada Jowhar.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this