Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo dalbatay in xabbad-joojin deg deg ah laga sameeyo marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
20170601_Guterres_960.jpg?resize=960%2C6

Militariga Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo dilay 40 kale oo Falastiiniyiin ah, xilli ay sii kordhayaan cambaareyn caalamiga ah oo ku aadan weerarada Israa’iil ee Gaza.

Madaxa Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku celiyay dalabkiisa ku aaddanaa xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza ka dib duqeyn ka dhacday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa yiri” rabshadaha argagaxa leh ee ka socda deegaanka Falastiin waa in la joojiyo”,iyadoo dadka ay soo gaareen waxyeelada ay ku jiraan lix shaqaale gargaar ah.

Qiyaastii 25 boqolkiiba dadka ku dhaawacmay dagaalka Israa’iil ee Gaza ugu yaraan 22,500 falastiiniyiin ah waxay qabaan dhaawacyo beddelay noloshooda, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Ugu yaraan 41,118 qof ayaa lagu dilay Gaza,halka 95,125 lagu  dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo sanadkii tegay .

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo dalbatay in xabbad-joojin deg deg ah laga sameeyo marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this