Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Ciidamada Soomaaliya ku filan yihiin Amniga dalka kadib markii Ciidamada ATMIS baxaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1726214670993.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya diyaar u yihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga dalka kadib markii ay baxaan Ciidamada ATMIS.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso mas’uuliyadda amniga dalka islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisada ah ay ka faa’iidaystaan bixitaanka Hawlgalka ATMIS.

“Miyaad maqasheen meelihii ay ka baxeen ciidamada AMISOM Argagixisada AS ayaa dib u qabaday waa maya. Waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay nagu kalsoonaadaan oo ay ogaadaan inaan annagu mas’uul ka nahay amnigooda una ogalaan doonin in AS u yimaadaan oo ay bir bireeyaan” ayuu yiri Xamse.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkaasi ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo uu u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed diiday in ay baxaan Ciidamada Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Ciidamada Soomaaliya ku filan yihiin Amniga dalka kadib markii Ciidamada ATMIS baxaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this