Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda oo kulan la yeeshay Danjiraha Norway iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka dowlada Norway u fadhiya Soomaaliya mudane Carsten Carlsen iyo Qunsulka Socdaalka ee Safaaradda Norway Marwo Catherine Fari.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn waxa uu uga mahadceliyay Safiirka taageerada dowladda Norway ay ka geeysato horumarinta kaabayaasha HSJ. Waxa uu sidoo kale uga warbixiyay isbedalada dhanka horumarka la sameeyay iyo Qorshayaasha horutebinta u leh Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Safiirka dowlada Norway mudane Carsten Carlsen ayaa uga mahadceliyay dhankiisa soodhawaynta loo sameeyay waxa uuna balan qaaday in ay sii labo jibbaarayaan taageerada dowlada Norway ku bixiso HSJ, isla markaana ay sii xoojinayaan wadashaqaynta togan ee kala dhaxaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this