Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulamo xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo Laftagareen + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-iyo-Laftagareen.jpg?fit=2048%2C136

Baydhaba (Caasimada Online) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo gaar ah oo dhex-maray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Laftagareen iyo madaxweyne Xassan Sheekh oo sii xoogeystay kadib markii ay Koonfur Galbeed soo dhaweysatay dowladda Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid adag oo aan waxba la’isku reeban, isla markaana la’isku riiqmay, maadaama lagaga hadlay qodobo xasaasi ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa iyo hadda aan wax horumar ah laga gaarin, balse ay sii socdaan wada-hadallada, maamaada ra’iisul wasaaraha oo weli joogo Baydhaba.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyaya shirka golaha wasiirada maamulkaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga, siyaasada iyo xoojinta wada-shaqaynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe oo hadda ku sugan Baydhabo ayaa u tagay xallinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed.

Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi.

Si kastaba, Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

459035302_1090585302632520_4057820369819 459115802_1090585169299200_8763549096084 459253659_1090585459299171_4669600068820 459280242_1090585229299194_7530950253161 459467370_1090585612632489_2588522420031Xamza-iyo-Laftagareen.jpg?resize=696%2C4

The post Xogta kulamo xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo Laftagareen + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this