Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Police secure beautiful Baidoa

Recommended Posts

Baydhabo: Hub fara badan oo lugu soo qabtey Howlgalo ay qaadeen Booliska Magaalada Baydhabo.

31. juli 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Baaris qaadatey saacado badan ayaa ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ,waxa ayna ciidamada Boolisku soo qabteen hub kala duwan.

 

Hubka lasoo qabtey ayaa laga soo qabqabtey Guryo kuyaala Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ,waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in ay maanta lugu wareejin doono Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Hubkan la soo qabtey ayaa Saxaafada loosoo bandhigey ayadoo Sawiro badan ay ka qaateen Suxufiyiintii shirkaasi ,joogtey waxaana hadalka halkaasi ka soo jeediyey Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/Guuto. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheerre) wuxuuna sheegay in ay hubkan adeegsadaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Masuulkan wuxuu sheegay in ay wadayaan talaabooyinka ay uga soo horjeedaan hubka sharci darada ah ee ay heystaan dad badan oo jooga gudaha dalka Soomaaliya ,wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay hubkooda diwaangaliyaan.

 

Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey heshay cudud Milateri oo xoog leh ,waxa ayna ciidamadan shalay galey magaalada Baydhabo noqonayaan kuwii ugu horeeyey oo noocaan oo kale ah ,galana gudaha Magaalada Baydhabo.

 

Markale ayaa dad badan ay sheegayaan in ay dhici karaan howlgalo laga sameeyo gudaha Magaalada Baydhabo ,kuwasoo lugu bartilmaameedsanayo guryo lugu tuhunsan yahay in uu yaala Hub kala duwan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boolis tiro badan oo Sugaya amaanka magaalada Baydhabo.

Kumanaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ayaa Gaafwareegaya Gudaha Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda kuwaas oo la sheegay in ay Sugayaan amaanka Magaalada oo baryihii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen weeraro gaadma ah oo lalabeegsanayay dad aan iyagu waxba galabsan.

 

Hawlgaladan ay Ciidamadu amaanka kusugayaan ayaa ka socda jidkasta oo magaalada baydhabo kamid ah iyagoo cida ay ka shakiyaana baaraya, waxaana jirta in ciidamadan booliska ah ay yihiin kuwo tababaro heer sare ah qaba islamarkaana aan ku xadgudbaynin dadka.

 

Askartan oo ku labisan dharkii lagu yaqaanay Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhabarka ku wataan back iyagoo qorigana hoos u raaricinaya . waxaadna soo xasuusan markaad aragto ciidamadii Danab ama kumaandoosta ee ka tirsanaan jiray Xoogii dalka Soomaaliyeed ee Dawladii kal hore.

 

Si kastaba ha ahaato ee Ciidankan oo Xooggiisa iyo tayada ka muuqata ay dadbadan rajo galisay ayaa la dareemayaa Nabadgalyo buuxda tan iyo intii ay bilaabeen Hawlgalada, iyadoo dadweynaha halkaa ku noolna ay u riyaaqeen hawlagada Socda ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Howl galkii ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay hub ay ku soo qabteen..

 

JULY 30 2008 Radiofreesomalia.com

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay howl gal ay shalay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo, iyagoona sheegay in ay sii wadayaan Howl galkaas.

 

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Saciid Dheere ayaa sheegay in howl galkoodii shalay ay ku soo qabteen hub aad u fara badan, isagoona sheegay in howl galka uu yahay mid ay amaanka ay ku xaqiijinayaan.

 

Howl galka ayaa ahaa mid Ciidamada cusub ee dhowaan lagu soo tababaray Ethiopia ay ka sameeyeen halkaas, waxaana lagu soo waramayaa in dad fara badan halkaas ka qab qabteen sida warku sheegayo.

 

Ciidamada dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ayaa ah kuwo ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka howl galaan Magaalada Baydhabo, si ay u sugaan Ammaanka Magaaladaas oo mudooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa cabsi aad u xoog leh ka muujiyay dhaq dhaqaaqyada ay ka wadan Magaaladaas Ciidamada Cusub, iyagoo sheegay in dad gaaraya boqolaal qof shalay ay qab qabteen Ciidamadaas, deetana ay xabsiga dhigeen.

 

 

RFS _ Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya oo howlgallo ka bilaabay Magaalada Baydhabo

 

Khamiis, July 31, 2008(HOL): Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa waxay holwgallo ka bilaabeen Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Bay.

 

Ciidamadan ayaa howlgalkii ugu horeeyay oo ay shalay sameeyeen waxay ku soo qabqabteen dad la sheegay in looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen falal nabadgelyo ah oo horay uga dhacay Magaalada Baydhabo.

 

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Saciid Dheere ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada sameynayaan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Baydhabo oo ah fadhiga KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Jen. Saciid Dheere waxaa uu sheegay in ay howlgallada sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo ammaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan Dad ay Ciidamada ku soo qabteen howlgallo ay sameeyeen, kuwaasi oo uu sheegay in la baarayo.

 

Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal loo geystay Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo weliba weerarro lagu qaaday fariisimo ay Baydhabo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo sidoo kalena la weeraray guryo ay Baydhabo ku leeyihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Howlgalka ay sameynayaan Ciidamadan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ansixiyay in Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deirska ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this