Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI oo faah-faahisay dekadda ay Siinayso Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jabuuti ayaa mar kale ka hadashay deked ay sheegtay inay ku yabooheyso dalka Itoobiya, dekeddaas oo ah dekedda Tajuura oo 100 km u jirta xadka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yussuf, ayaa sheegay inaysan qorsheyneyn inay Itoobiya gebi ahaanba ka iibiyaan dekeddaasi, balse ay labada dowladood si wadajir ah u maamuli doonaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay tallaabadan ay uga gol leeyihiin inay ku horumariyaan dhaqaalaha dalka Jabuuti.

Wareysi uu dhawaan wasiirka siiyay BBC-da ayaa waxaa uu ku sheegay in Itoobiya ay siinayaan boqolkiiba 100% deked iyo marin cusub oo hore loo dhisay, taas oo uu faahfaahin ka bixiyay.

Wasirku waxa uu sheegay in dekedda Tajuura ay ku maal geliyeen lacag kor u dhaafeysa 60 milyan oo doollar.

“Dowladda Itoobiya waxa aan usoo bandhignay ma aha in aan ka iibineyno dekeddeena Tajuura ee waa in labadeenna dowladood ee Itoobiya iyo anaga oo Jabuuti ah aaan si wada jir ah uga faa’iideysanno”, ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda isticmaasha dekedda Tajuura hase yeeshee ma badneyn isticmaalkeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this