Sign in to follow this  
Deeq A.

In aynu Madaxweynaha ka codayno oo aynu nasinaa waa waajib akhlaaqeed

Recommended Posts

Deeq A.   

In aynu Madaxweynaha ka codayno oo aynu nasinaa waa waajib akhlaaqeed, mid wadaniyadeed iyo mid dadnimo. Waa midda koowaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-darraystay, xataa haddii aanu waxba ku soo kordhinayn, bal intii loo dhiibay uun in loogu yimaado. May dhicin taasi oo maanta Somaliland waa qalanjo dhaawacan oo dhiig baxday, qoon weyn ayaanu u geystay qabkeenii iyo qorshaheeniiba. Ninka qasaaraha intaa leeg u geystay 30 sanno wixii aynu ku tabcaynay, in aynu isaga oo guuldarraystay abaal-marin aanu u qalmin siinaa, waxay dhiirrigelinaysaa dadka aan xilkaska ahayni in ay hoggaankeena damcaan, oo ay inoo arkaan bulsho hebed ah.

Waa ta labaade, Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay wuxu u adeegsaday inu innaga inagu gumeeyo, cabudhiyo, xidhxidho, xilliyada qaarna uu nafaheena ku gaalaafto. Waxa kale oo Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay u adeegsaday inu danihiisa gaarka ah kaga shaqeeyo, ku badhaadho, kuna sed-bursado.

Waa ta saddexaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-daraystay inu isku keen ururiyo oo uu kaalintiisii odaynino qaato. Waxa la qummanaatay maslaxadiisana uu ka dhex arkay kala daadsanaanteena, isaga oo is tusay inay kala qaybsanaanta bulshadu tahay gabbood laga hoos galo la xisaabtanka, iyo weydiinaha ka imanaya waajibaadka uu gudan waayey.

Waa ta afraade, muddadii uu Madaxweynaha ahaa waxa ku hoos burburay dhammaan hay’adihii dawladda. Musuqmaasuqii ayaa xadhkaha goostay heer la gaadhay inay saraakiishii hanti-dhawrku hay’adahii ay la xisaabtami lahaayeen qandaraasyada ka qaataan, oo ay xildhibaanadii xafiisyadii dawladda mukhalasnimo iyo dillaalis ka dhex bilaabaan, mas’uul kastaana xafiiskii uu dadweynaha ugu shaqayn lahaa uu ka dhigtay shirkad ganacsi oo uu isagu gaar u leeyahay. Waxa kale oo uu madaxweynuhu xilalkii dawladnimo ku abaal mariyey ninba ninkuu ka tuugsanaa ee uu ka xaaraan cun badnaa. Wuxu si gaar ah u xushay ninba ninkuu ka af xumaa ee uu ka cay badnaa.

Intaas iyo in kale oo ka xun oo aan ka xarragoonayo sheegistooda, haddii aynu xilka ku weydaarin weyno kolkaa innagaa aayaheennii xabaal ku ridnay.

Midna ogow, Kuma lihi kuwa soo socdaa waa nebiyo macsuumiin ah oo qalad ka madhan, balse waxan ku leeyahay Muuse aynu ka dhigno tusaale kuwa dambe ku cibro qaataan.

Muuse waynu aragnay, waynu tijaabinay, todoba sanno oo laba xaaraan yihiin ayeynu siinay. Waynu ku qasaarnay dhan kasta. Haddii aynu isaga dooranayno mar labaad, dee aynu ardayda dugsiyada ee imtixaanka ku dhacdana wada dallacsiino!!

Abwaan Weedhsame

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this