Sign in to follow this  
AYOUB

Burco and Big Brother

Recommended Posts

AYOUB   

http://www.horyaal.net/audio

..........

 

Reer Burco Oo Si Weyn Uga Didday Mashruuc

diiwaan-gelinta Guryaha Oo Ay Waday

Hay’adda UN-Habitat

 

 

Burco, February 10, 2006 (Haatuf) Dadka reer Burco ayaa si weyn uga diday mashruuc diiwaan gelin guryaha ah oo ay magaalada Burco ka wadday hay’adda UN-Habitat.

Mashruucan diiwaan gelinta guryaha oo ay iska kaashanayeen hay’adda UN-Habitat iyo dawladda hoose, waxa uu magaalada Burco ka socday labadii bilood ee u dambeeyey, hase yeeshee waxa galay hakad ka dib markii ay dadka reer Burco ka muujiyeen dareen didmo ah, waxaana saddexdii todobaad ee u dambeeyey magaalada Burco ka oognaa dood iyo buuq ku saabsan mashruuca diiwaaan gelinta guryaha ah ee ay waddo hay’adda UN-Habitat, taas oo keentay inay odayaasha, iyo waxgarad badan oo reer Burco ahi golaha deegaanka u gudbiyaan dacwad ay kaga dalbanayaan in la joojiyo mashruucaa, hase yeeshee inkasta oo uu golaha deegaanka Burco muddo dhawr casho ah u fadhiyey shir albaabadu u xidhan yihiin, oo ay arrintaa kaga hadlayaan, haddana wax go’aano ah may shaacinin, waxaase maalintii shalay magaalada Burco baaq ka soo saaray kooxo isugu jira aqoonyahano, odayaal iyo waxgarad kale, baaqaas oo uu noo soo diray weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan Yuusuf waxa uu u qornaa sidan:-

 

“Anaggoo ah aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Burco waxaanu dadweynaha reer Somaliland u soo bandhigaynaa dhibaato ina soo waajahday waqtigan xaadirka, dhibaatadaas oo ah hay’adda UN-Habitat oo hadda magaalada Burco ka bilawday mashruuc ay halisi ku hoos jirto, taas oo ay Habitat ku sugayso guri kasta oo Burco ku yaala, halka uu kaga dhaco aqalka adduunyada (Dhulka Caalamka). Qalabka ay isticmaalaysana waxa ka mid ah, qalabka loo yaqaano GPS oo ka mid ah Satalaydka Maraykanka iyo kamarad lagu sawirayo guri kasta.

 

GPS-ku waxa uu si toos ah ugu gudbiyaa dayax gacmeedka Maraykanka xogta muhiimka ah ee laga qaaday guri kasta.

 

Hay’adda UN-Habitat waxay sheeganaysaa inay dawladda hoose ee Burco ka caawinayso diiwaan gelinta mulkiyadaha, laakiin arrinku waa mid intaa ka xeel dheer, kaas oo ay Habitat u adeegayso shisheeye, una ururinayso xoggo badan oo ay ka mid yihiin kuwa soo socdaa.

 

1. Waxa uu gidaarka gurigu ka samaysan yahay, sida shub, dhagax, leben, dhoobo, jiingad iwm.

2. Saqafka gurigu waxa uu ka samaysan yahay, sida Shub, Jiingad ama wax kale

3. Seeska gurigu inta uu hoos u qodan yahay

4. Cabirka guriga dherer iyo balac

5. Jaarka guriga

6. Qofka deggan saddexdiisa magac iyo mulkiilaha saddexdiisa magac

7. Meeshu waxa ay tahay, deegaan, meel banaan, kharaabad, goob waxbarasho, goob caafimaad, goob diineed iwm

8. Tirada dadka guriga deggan, lab iyo dhedig, iyo da’da qof kasta

 

Warkan waxaanu ka haynaa cadaymo kala duwan oo aanu ka helnay xafiiska UN-Habitat ee Burco ee ay ka wado mashruuca GS-ka, taas oo aanu qoraal buuxa ka hayno xogtooda iyo qalabkooda oo uu ugu khatarsan yahay GPS iyo weliba qoraalo kale oo badan oo documents ah.

 

Xogta ay ururinayso UN-Habitat inteeda badan waxba kagama xidhna cashuurta ay dawladda hoose ka qaado ardiyadaha guryaha, balse waxa laga leeyahay ujeedo kale, iyadoo ay Burco hore u lahayd qorshe magaalo (Town Plan), taas oo ay magaaladu u qaybsan tahay A, B, C, D IWM, waxayna ahayd in kaas uun la horumariyo oo kombuyuutar lagu shubo, isaga oo ka madax banaan satalaytka Maraykanka.

 

Satalaytka Maraykanku wax badan ayuu sawiray magaalada Burco ama magaalooyinka kale ee Somaliland, juquraafi ahaana waa la yaqaanaa halka ay magaalo kastaa dhacdo, laakiin cidina ma taqaan, taako kasta oo Burco ah cidda deggan, inta imika la rabaana waa intaas oo la helo, taas weeye danta laga leeyahay mashruucan.

 

Arrintan waxaanu kala hadalnay golaha deegaanka Burco oo aanu nidhi waa in arrintan lagu joojiyo ummadda oo loo dhigo si kale oo ka dhib yar, hase yeeshee waxba kama suurto gelin taa, dadka qaarna waxay sheegeen in mashruucan laga hirgeliyey Hargeysa, saxna kuma noqon karo Hargeysa ayaa laga hirgeliyey, ee waxa uu sax ku noqon karaa inaanu wax dhibaato ah lahayn, waxaanay GPS-tu wax ku xawishaa hab dhis satalayt ah oo suurto gelinaya in farta lagu fiiqo goobta la doonayo (their precise location on the earth), hab dhiskanina waa mid afar iyo labaatanka saacadood ku xidhan satalayt Maraykanku leeyahay oo maalintiiba dhulka ku wareega laba jeer.

 

Satalaytka GPS-ka cidda maamusha ee ku hawl gashaana waa gaashaandhiga Maraykanka. Milateriga Maraykankuna waxa uu GPS-ka u adeegsadaa inuu ka hago gantaalihiisa loo yaqaano Cruise Missiles marka la rido, iyaga oo hore loogu sii sugay yoolka halka lagu ridayo, shaqadaa muhiimka ahna waxa qabta qalabka yar ee GPS-ka ee imika Burco lala dhex joogo.

 

Haddaba, waxa isweydiin leh golayaasheenu ma ka war qabaan mashruucan halista ah ee ay xogteenii oo dhami ku gelayso gacan shisheeye, waxaanuna ka rajaynaynaa inay deg deg uga hawlgalaan arrinkan oo ay ka qabtaan wixii kaga haboon.

 

Waxa kale oo aanu dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan reer Burco u soo jeedinaynaa inay arrintan go’aan cad ka qaataan oo ay iska joojiyaan mashruucan halista ah, waayo inagu weligeen xog kuma aynu kaydsan satalaytka Maraykankaâ€.

 

1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

2. Dr. C/laahi Sheekh Maxamed Cismaan

3. Eng. Faarax Xuseen Axmed

4. Axmed Ismaaciil Yuusuf

5. Faarax Yuusuf Nuur

6. Aadan Axmed Ducaale

7. Jaamac Cabdi Carab

8. Nuux Maxamed Raage

9. C/Qani Aw Saaxi

10. Yuusuf Maxamed Cige

11. Yuusuf Cali Axmed

12. Cismaan Ismaaciil Cali

13. C/Raxmaan Sheekh Maxamed Cismaan

14. C/Casiis Maxamed Jaamac

15. Shariif Maxamed Abokor Maxamed

16. Caaqil Ibraahim Shiil

17. Faysal Cali Faarax,

18. Maxamuud Cabdi Aadan

19. Xasan X. Muuse Shire

 

http://www.haatuf.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Duqayda Iyo Qaar Ka Tirsan Culimada Burco Oo Difaacay Mashruuca GPS Ee Habitat

 

 

Duquyda iyo qaar ka tirsan culimada magaalada burco ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay bayaan ay 20 xubnood oo ka tirsan culimada iyo waxgaradka ay ku eedeeyeen inuu ku lug leeyaha hawlo basaasnimo Mashruuc Diiwaangelinta guryaha ah oo ay dawlada hoose ka wado magaalada Burco.

 

Duqaydan iuyo waxgaradkan ka jawaabay arintan oo manta ku kulmay shir balaadhan oo lagu qabtay xarunta maamulka g/togdheer oo ay kaqayb galeen duqayda guduyada Beelaha deegaanka, xubno ka tirsan culimada, gudiga nabadgalyada iyo boqolaal ka mida dadwaynaha magaalada Burco oo ka didsan guux ay dhalisay mawduucani.

 

Waxanay ka danbaysay jawaabta waxgaradkani dareen shaki leh oo ay xubnaha soo saaray bayaankani ay ka muujiyeen mashruucan, kaasi oo ay ku xuseen bayaankooda inuu ka dhex muuqdo mashruucan barnaamij ay dawlada mraykanku ku doonayso xog sugan oo ku jihansan cida ay uga baahato gobolka, balse aanu mashruucanai ahayn mid ku fadhiya qadiyada bahiyeed.

 

Laakiin Duqaydan maanta ka qybgasahay shirkan lagaga soo horjeedo bayaankan ayaa waxa ay ku macmeeyeen inay tahay arintani dhaqadhaqaaq ay ku didayaan wadaado tuhun leh balse aan marnaba la aqbali doonin in muraad qof leeyahay loo dumiyo mshruuc umada u dana, taasi oo ay ka go’an tahay inay difaacaan.

 

 

Cawil yuusuf Dhiif oo ah gudoomiyaha Guuurtida Beesha galbeedka Burco oo ka mid ahaa duqaydii ka qayb gashay kulankan ayaa waxa uu sheegay in arimah lagu xaliyo isfahan iyo wadaahdal ooaan marnaba xadhig lagu dayin,waxa uu intaas ku daray in wakhtigan aynu joogno ay dheerayso beenta iyo xasaradu runtuna gaabiso, sidaas darteed waxa maamulka looga baahan yahay inay wacyigelin badan sameeyaan oo dadka khayriyada kala hadlaan “suura galna noqon mayso in ummada wax u dana lays hortaago.â€ayuu yidhi .

 

 

Sheekh Albaani oo kamida culimada waaweyn ee magaalada burco ayaa isaguna waxa uu ku tilmaamay culimda ku qaylinaysa barnaamijkan kuwo aan hubsan waxay bulshada uga digayaan, isla markaana lagu dedegay wax ka sheegistiisa,, oo aanlagala tashan madaxda maamulka uga masuulka aha daweynaha†sharciga islaamka meelo kagama jirto in mnbaeada masaajidada lala fuulo shay aan lahayn xaqiiqadiisa oo si cunfiya looga jawaabo†ayuu yidhi sheekhu.

 

 

Mashruucan GPS waxa uu salaka ku hayaa(statics) ama warbixin lagu ururinayo xog ay isticmaaaayso dawlada hoose simloo axao macluumaadka cashuur ururinta iyo tiro koonka kala duwan ee lagu samaynayo jihooyinka kala duwn ee magaalada, kasi oo ayn Hay,ada HABITAT maalgelisay ayna fulinayso hay,ad wadaniya oo looyaqaan GAAFO iyo dawlada hoose ee Burco, islamrkaana loogu talo galay inuu socdo mudo 4 bilooda, balse hada socday mudo 3 bilooda, waxaana kamid xogta guriga laga qaadayo cabirka guriga, jihooyinka xaafada cidda ku jirta iyo hal sawir si computerka loogu adeegsado kaydintooda. Waxaana lagaga hadlay arintan khudbadaha

masaajidada Burco khudbadii jimcihii la soo dhaafay iydoo qoraal ay ku saxeexan yihiin 20 ka xubnood ee bayaanka soo saaray u qaybiyeen masaajidada si dadka looga digo in ay diidaan mashruucan.

 

 

Cawil Caanamamaale oo kamid ah guurtida beesha bariga Burco oo ka hadlaayey kulankaasi lagaga hadlayey maanta ayaa waxa uu yidhi “masaajidada waxa lagaga qaylinayaa waa waxba kama jiraan ingiriiska iyo maraykanku anaga midna nadoonimaayo ee ninka la doonayow iska daa waxa lagugu doonayoâ€.Ayu yid

 

Duqa magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey mashruucaasi waxaanu cadeeyey in aan mashruucan wax khatar ahi ku jirin ee ay u adeegsanayaan dakhli ururinta iyo in lagu saxo macluumaadka nashqadaha magaalada, duqu isaga oo shirkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ mashruucani waxtar badan ayuu u leeyahay bulshada Burco waxa lagu ogaanayaa tirakoobka gobolka qorshaynta dhulka danta guud iyo adeegyada kala duwan markaas mashruucani waa mashruucii toosin lahaa D/hoose hadaanu dhibaato ku ognahay dadkayaga umaanu qarineen caasimada

Hargeysa oo ay joogaan culmidii iyo xukuumadii ayaa mashruucan laga fuliyey markaa mashruuca Burco way u cadilan taha ywaanu soconayaa ee maaha mid sidaas ku jogsanaya†ayuu hadalkiisa ku soo koobayâ€.

 

 

Sidoo kalena gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen dheere oo ka hadlaya arintan ayaa isaguna waxa uu yidhi “In uu dadku fahmo weeye danta ugu jirta mashruuca oo laga saaro been abuurka, waxaanse la yaabanahay ninka leh caalamka ayaa I basaasaya, dadka qaylinayaa ma jiraan cid ay masuul ka yihiin, haddii lagu soo tooganayo anagu ma ogin wax aad soo samaysay waliba dadka noocan ahi waa dadkii diiday aftidii distuurka, doorashooyinkii, talaalada, laakiin in badan ayaanu daba soconay ee maanta waannu ka hor imanaynaa “bidow anigu ku sheegimaayee yaan camalkaagu ku sheeginâ€.

 

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu daboolka ka qaaday inay wadayaan shirarka ay arintan ku burburinayaan dadwaynahana ay maalmahan soo socda la hadlidoonaan.

 

Maxamed Axmed(Guray xaaji oktoobar) oo ka mida qurbajooga Somalilandoo shirkaas ka hadlayey ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aan huwanayna aqoon ku saabsan barnaamijyada (IT) da oo uu ku sheegay in uu mashruucan GPS uu yahay mid uu ku shaqeeyo caalamka oo dhan “Gaawaadhigayga aan ku wato dibbada waxa uu leeyahay qalabkan waana mid ku hawlyaraynaya halkaad doonayso caalamka oo dhan waa laga isticmaalaa dhibaatana ma keenayoâ€Ayuu yidhi waxa u intaas kudaray “Miyaan laga korayn hadaladii lixdankii jiray ee la odhan jiray caruurta waa lagu gaalaynayaa marka layidhaahdo iskuul ha laydin dhiso ,waana waxa khayrkeen inaga rebay ee

caqliga fayow ha la isticmaaloâ€Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

 

Dhinaca kale sarkaal ka tisan hay’adda HABITAT oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa ku tilmaamay cabashada dadka diidan mashruucan mid aan meel ku jahaysnayn “mashruucan D/hoose ayaa wadata anagu HABITAT waxaannu siinaa farsamo ahaan hadday u baahan yihiin iyagay u taala UN-HABITAT na wax siyaasad ah ku ma shawo laha.

 

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay duqay iyo Aqoon yano badan oo si dareen

xambaarsan uga hor yimi bayaankan ay hore u qoreen kooxda baataneeyada ahi.

 

 

KAYSE AXMED DIGAALE

Qarannews

Burco

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this