Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad badan oo ku dhintay duqayn saaka Israa’iil ka fulisay marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
67d1ff8b-99a5-450a-b37b-1ab9d1d5d4c1_cx0

Adeegga gargaarka deg degga ah ee Gaza ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee saaka ku bartilmaameedsadeen, teendhooyin ay ku noolyihiin dadka ku baracakay dagaalka Gaza.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka lagu dilay duqayntaasi ilaa hadda ay gaarayaan 40 qof, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay sii kororto.

Saraakiisha caafimaadka ayaase xaqiijiyay dhaawaca 65 qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters. Millatariga Israa’il ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla koofurta Gaza.

Dadka degaanka iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in teendhooyin ku yaalla xerada Al-Mawasi ee duleedka degmada Younis, oo ah goob ay Israa’il u calaamadeysay in ay tahay zoon colaadda ka caagan la bartilmaameedsaday.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ilaa afar gantaal lagu garaacay xarunta. Xerada ayaa la ciireysa qoysas badan oo Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo Marinka Gaza ah.

Ilaa 20 teendho ayaa la sheegay in uu dab qabsaday, walina lama oga khasaaraha dhabta ay ee duqeyntaasi.

Waaxda Caafimaadka Gaza ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo 7-badi October.

PUNTLAND POST

The post Dad badan oo ku dhintay duqayn saaka Israa’iil ka fulisay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this