Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jabuuti oo mar kale sheegtay in aysan Itoobiya siin doonin deked ay maamusho 100%

Recommended Posts

Deeq A.   
unnamed.jpg?resize=1000%2C577&ssl=1

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in aysan Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamusho, taasi oo ka duwan ballan-qaadkii hore ee Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa mar kale u hadlay si ka duwan balan-qaadkiisii hore, ee ahaa in ay Itoobiya siinayaan dekeda Tojora, islamarkaana ay 100% maamulkeeda yeelanayso Itoobiya.

“Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tojora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo xalliyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu dhawaan sheegay in aysan Itoobiya siin doonin saldhig badeed, balse ay dekeddu noqon doonto marin ganacsi oo looga faa’idaysto suuqa ganacsi ee Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Jabuuti oo mar kale sheegtay in aysan Itoobiya siin doonin deked ay maamusho 100% appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this