Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare oo guddoomiyay Kulanka guddiga dib u heshiisiinta iyo xariirka dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Timacadde oo tilmaamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this