Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Amniga iyo Isbeddelka Cimilada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725878592945.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Isaga oo ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan.

FB_IMG_1725878664303.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1725878688220.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725878668882.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725878678500.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725878682717.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1725878699174.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1725878703574.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST


The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Amniga iyo Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this