Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Venezuela oo u cararay dalka Spain

Recommended Posts

Deeq A.   
skynews-edmundo-gonzalez-venezuela_66794

Edmundo Gonzalez oo ah musharraxi xisbiga mucaaridka Venezuela u matalay doorashadi madaxtinimo ee bishi July, ayaa gaaray dalka Spain, halkaas oo uu ka helay magan-galyo siyaasadeed.

Gonzalez ayaa xalay ka duulay Venezuela, kaddib todobaadyo uu dhexda uga jiray qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay natiijadi kasoo baxday doorashadi maxatinimada ee uu kula baratamay madaxweyne Nicolas Maduro.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Maduro uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada, hase yeeshee mucaaridka ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Spain ayaa lagu sheegay, in Gonzalez iyo xaaskiisa ay diyaaraddi wadday kasoo degtay saldhiga miilatariga Torrejon de Ardoz ee magaalada Madrid.

Ka cararista dalkiisa ayaa timid todobaad kaddib marki ay xukuumadda Maduro ee Venezuela soo saartay waaran lagu soo xirayo.

Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo quwado kale ayaa rumeysan in Gonzales oo ah 75 jir uu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada ee ka dhacday Venezuela.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaridka Venezuela oo u cararay dalka Spain appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this