Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
ef4e61e7-acf3-4e9a-891f-0219ca15baea_w40

11 bil ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza, iyada oo ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Gaza iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Ilo-wareedyada caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza ay ku dileen ilaa 61 qof oo Falastiiniyiin ah.

Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this