Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeynta Israa’iil ku hayso Qasa oo lagu dilay 61 qof oo Falastiiniyiin ah 48 kii saac ee la soo dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

1000086211.webp

Duqeynta Milatariga Israa’iil ku hayo Marinka Qasa ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 48 kii saac ee la soo dhaafay 61 qof oo Falastiiniyiin ah sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Kow iyo toban bilood oo uu socday dagaalka Marinka Qasa ayaa waxa guul dareystay isku dayo dublamaasiyeed oo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka, laguna sii daayo lahaystayaasha shisheeye ee gacanta ugu jira ururka Xamaas.

Labo duqeyn oo lagu qaaday labo iskuul oo hoy u ah dadka gudaha ku barakacay oo ku kala yaala degmada Qasa iyo degmada kale ee Jabaliya ayaa waxa ugu yaraan tii ku dhintay 12 qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Milatariga Israa’iil waxa uu sheegay in weerarka lagu bartilmaameed saday xubbno hubeysan oo ka tirsan Xamaas oo ka hawgalayay dhismayaasha la duqeeyay. Shan qof oo kale oo falastiiniyiin ah ayaa duqeyn cirka ah lagu dilay guri ku yaala degmada Qasa, waxana tirada Sabtidii shalay la dilay oo kaliya ay noqonaysaa 28 qof.

Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islaamik Jihaad iyo Fatax ayaa sheegay in ay dagaal adag oo loo adeegsanayo garneylo, hoobiyayaal iyo miinooyinka dhulka lagu aaso ay kula jiraan ciidamada Israa’iil.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this