General Duke Posted September 22, 2010 June 2010, Minister of Health places the foundation stone.. Degmada Buurtinle oo ku guulaysatey inay dhisato xarun caafimaad iyo codsi ku socda dhakhaatiirta reer Puntland ee qurbaha ku nool (Sawiro) Posted by admin on September 21st, 2010 Buurtinle (Puntlandi.com) Dadweynaha degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal ayaa dhawrkii bilood ee u danbeeyey ku mashquulsanaa dhisida xarun caafimaad oo ay degmadoodu yeelato, dhismaha xaruntan ayaa hada meel fiican maraya. (Swairada hoos ka daawo)Aas aaska xaruntan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay wadatashiyo yeesheen waxgaradka degmada Buurtinle kaasi oo ku aadan sidii degmada loogu samayn lahaa adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxaana ay isku raaceen dadweynaha Buurtinle inay sameeyaan Iskaashi wax wada qabsi oo degmada u gaar ah si degmadu u gaarto hormar. Xarunta caafimaadka ee degmada Buurtinle ayaa waxaa dhagax dhigay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame [ 03-June-2010] xiligaas oo uu wasiirku wadey wafti caalami ah oo ka socdey WHO-EMRO, waxaana ay u ahayd maamuus weyn maalintaas dadweynaha reer Buurtinle Dhismaha xarunta caafimaadka ee Buurtinle ayaa hada meel fiican maraya waxaana uu ka kooban yahay 4 qaybood oo kala ah: 1. Qaybta gargaarka deg deg ah 2. Qaybta bukaan jiifka 3. Qaybta qaliinka iyo raajada oo isku jira iyo 4. Qaybta maamulka Gudiga wada dhismaha xarunta Caafimaadka ee degmada Buurtinle ayaa sheegay inay hada dhameeyeen qaybta gargaarka deg deg ah, qaybtan ayaana dhawaan shaqo galaysa iyadoo ay u diyaar yihiin qalabkii ay ku shaqeyn lahayd qaybtani, qalabka qaybta gargaarka deg deg ah ayaa waxaa ku deeqay dhalinyaro reer Buurtinle ah oo ka mid ah Jaaliyada wadanka Denmark kuwaas oo ku midaysan AMAL CHARITY Society. Sidoo kale waxaa meel fiican dhismihiisu marayaa qaybta bukaan jiifka oo ka kooban 12 qol oo jiif ah, lix musqulood iyo qol loogu talagalay inay noqoto xafiiska madax qaybeedka qaybta, dhismaha qaybtani ayaa maraya 2 miter dhawaana waa la soo gabo gabeyn doonaa hadii alle idmo sida ay xaqiijeen gudiga dhismaha xarunta caafimaadka Buurtinle, qaybaha Maamulka iyo qaliinka oo raajadu la socoto iyagu waa danbeeyaan hawshuna waxay ku socotaa tilaabo tilaabo. Dhaqaalaha lagu dhisayo xarunta caafimaadka degmada Buurtinle maahan mid meel fog ka yimid, waxaa laga soo aruurshey oo iska kaashadey dadweynaha Buurtinle iyo dadweynaha 22 Tuulo oo Buurtinle ku xiran, sida gudiga dhismaha xaruntan ay sheegeen majiro wax dhaqaale ah oo taburucaad ah oo ay ka heleen Jaaliyada Buurtinle ee dibada,waxa kaliya ee ay haysteen ayaa ahaa taageerada wasaaradda caafimaadka Puntland oo ku dhiiri galisay inay dhamaystraan hawsha wax wada qabsi ee ay xarunta caafimaadka u dhisayaan, wasaaraddu waxay kala jirta qalbiga markasna waxay siinaysay talooyin ku aadan xarunta iyo sida dhismaheedu noqonayo si loo waafajiyo qaab dhismeedka caafimaadka. Wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaana dhawr jeer booqdey inta dhismaha xaruntani uu socdey, waxaana uu ku dhiiri galiyeyiyey gudiga hawsha xarunta wada iyo waxgaradka degmadu inay dhamaystiraan xarunta, wasaaradda caafimaadkuna ay gacan ka gaysan doonto sidii xarunta looga shaqeysiin lahaa loona heli lahaa qalab iyo daawo. Wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa ugu baaqey dhakhaatiirta reer Puntland inay usoo jeestaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen samata bixinta shacabka, waxaana uu ugu baaqey dhakhaatiirta degmada Buurtinle ee dibada jirta inay dalka dib ugu soo noqdaan oo ay xarunta shacabku dhistey ka hawlagalaan. “ waxaan aad iyo aad ugu hanbalyeynayaa gudiga dhismaha xarunta caafimaadka ee Buurtinle iyo dadweynaha ka qaybqaatey dhismaha xaruntan, waxaana leeyahay wax weyn ayaad qabsateen dadaalkiina wada dhamaystira, dhakhaatiirta Puntland waxaan ugu baaqayaa inay indhahoodu usoo jeestaan dadkooda oo ay ugu adeegaan waxa ay barteen, khaasatan dhakhaatiirta deegaanka Buurtinle ee dibada jirta waxaan leeyahay doorkiinii ayaa la joogaa, waxaan idinka codsan inaad timaadaan oo aad walaalihiin u gargaartaan maadaama ay iskaa wax u qabso wax ku dhisteen oo ay geeloodii iyo arigoodii. Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal oo ay hoos yimaadaan in ka badan 22 tuulo ayaan lahayn adeeg caafimaad, waxaana dadku ay caafimaad ahaan u aadaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo 120 km u jirta degmada Buurtinle, masaafadan ayaa ah mid aad u fog keentayna in lala gaari waayo dad dhaawacmay kuwaas oo jidka dhiig bax ugu dhintay intii loosii wadey magaalada Gaalkacyo, markii ay dhacdooyinkan dhawr jeer dhaceen ayay dadka deegaanku isku yimaadeen kana tashadeen sidii ay ka yeeli lahaayeen dadka maalin kasta jidka dhiig baxa ugu dhimanaya inta Gaalkacyo loo sii wado, talo waxay ka badin waydey inay degmadu u baahan tahay inay xarun caafimaad yeelato si loo badbaadsho dadka, waxaana lagu balamey in la dhiso xaruntan hada gabogabada maraysa. Wasaaradda Caafimaadka Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 22, 2010 more pics Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 22, 2010 source Quote Share this post Link to post Share on other sites