Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Hawiye

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen.jpeg?fit=2048%2C1384&ssl=1

Marka (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan ayaa maanta hadlay isagoo u jawaabaya odayaashii beelaha Mogadishu Clan ee sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku laheyn wax metelaad ah, isla markaana Laftagareen uu u diiday xubnihii ay maamulkaas ku lahaayeen beelaha Mogadishu Clan.

Sarkaalka u hadlay Hawiyaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku magacaaban Isku duwaha Maaliyada ee maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaana lagu magacaabaa Mustaf Axmed Hilowle, wuxuu sheegay in shirkiisa jaraa’id ay qeyb ka yihiin masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan oo xilal ka haya maamulak K/Galbeed.

Mustaf Hilowle ayaa ku gacan seyray hadalkii odayaasha Mogadishu Clan, wuxuuna sheegay in beeshaas ay xilal badan ka heyso maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

“Waxaan cadeyneynaa in hadalkii ka soo yeeray odayaasha beelaha Mogadishu Clan aysan waxaba ka jirin oo Koonfur Galbeed loo dhan yahay, masuuliyiinta Mogadishu Clan ku metesha maamulka K/Galbeed aniga ayaa kamid ah,” ayuu yiri isku duwe Mustaf Hilowle.

Wuxuu sheegay in hadii ay tabasho qabaan ay ku habooneed inay ayaga oo ku metela Koonfur Galbeed lasoo wadaagaan si ay maamulka ugu gudbiyaan.

“Iyagoo odayaal dhaqan ah inay yiraahdaan maamulkaas wax metelaad ah kuma lihin waan laga haboonaa, wax ka jirana malaha warkaas, waa arin siyaasadeed oo Koonfur Galbeed lagu beegsanayo,” ayuu yiri masuulkaan ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Odayaasha uu u jawaabay isku duwahaan waxay ka cabanayeen in Madaxweyne Laftagareen uu siiday in beelaha Mogadishu Clan ay qaataan kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, maadaama dastuurku uu qorayo maamullada dhana ay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Mogadishu Clan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this