Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Gahayle Siwaaqroon ee Majeerteen oo war ka soo saaray xaaladda Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Maxamed Siwaaqroon (Gahayle) oo mudda saddex Cisho ah shir uga socday magaalada CARTA ee Gobolka Bari ayaa taageertay Baaqyadii Nabadeed ee laga soo saaray colaaddii dhawaan ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

War-murtiyeed ka soo baxay Gahayle Siwaaqroon ee Majeerteen ayaa lagu yiri “waxaannu Xoojinaynaa Baaqyadii Nabadeed ee is daba-jooga ahaa, ee ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana si gaar ah u xoojinaynaa dadaallada Nabadeed ee ay wadaan Guddiga dhex-dhexaadinta Nabadgalyada degmada Ceerigaabo Beelaha kala ah; Gahayle(Majeerteen), Ogaadeen (Bah-geri), Habar-jeco iyo East Sanaag Clan”

“Degmada Ceerigaabo waa meel la wada lee yahay Qolona-Qola kama qabsan karto ugumana dowladeyn karto, sidaasi darteed waxaanu Maamullada Somaliland iyo SSC-khaatumo ugu baaqaynaa in ay joojiyaan Colaadda ay ka hurinayaan Gobolka. Heshiiskii Nabadeed ee Beelaha Gobolka Sanaag ku gaareen taaariikhdu markay ahayd 1993, waxaa Beelaha qaar uga faa’idaysteen Hab Siyaasi ah oo aan loo dhammayn.”

“Waxaan ugu baaqaynaa Beelaha Dan iyo Dal Wadaagta ah, ee deggan Ceerigaabo, in ay dib uga fadhiistaan oo isla saxaan wixii qaldamay si Nabadda Ceerigaabo u noqoto mid Waarta. Nabadda Ceerigaabo waxay ka go’daa in ay si dhab ah uga wada-hadlaan Beelaha deggan degmada Ceerigaabo”.

“Ugu danbayn Beesha Gahayle ee Siwaaqroon waxay Tacsi u diraysaa dadkii ku dhintay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Ceerigaabo, sidoo kale waxay ilaahay uga baryaysaa, in uu u booga dhayo dadkii ku dhaawacnay Shaqaaqadaasi” ayaa lagu geba-gabeeyay War-murtiyeedka Beesha Gahayle Siwaaqroon ee ka soo baxay Shirkii Beesha ee uga socday magaalada CATRTA ee Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Beesha Gahayle Siwaaqroon ee Majeerteen oo war ka soo saaray xaaladda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this