Sign in to follow this  
Deeq A.

PaySii oo aan weli u hoggaansamin amarka dowladda federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Wararka PP) — Shirkadda PaySii, oo ay Soomaali badan app-keeda lacag ugu diraan qoysaskooda iyo ehelkooda ku sugan Soomaaliya, ayaa weli diiddan inay u hoggaansanto amar ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya dhowr toddobaad ka hor.

1000005652.jpg?resize=828%2C1073&ssl=1PaySii weli uma hoggaansamin amarka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fartay dhammaan shirkadaha ka hawlgala Soomaaliya inaysan ku kicin tallaabo wax u dhimaysa gobanimada Soomaaliya. Amarka dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa shirkadaha in magaca maamulka Somaliland aan lagu darin taxa magacyada dalalka shirkad ay ka hawlgasho.

1000005655.jpg?resize=828%2C191&ssl=1Ethiopia Airlines way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. 1000005658.jpg?resize=828%2C381&ssl=1FlyDubai way u hoggaansantay amarka dowladda federaalka Soomaaliya.

PaySii, oo xiriir la leh shirkado sida Golis Telecom iyo Hormuud, weli waxay ka cagajiidaysaa inay u hoggaansanto amarka dowladda federaalka Soomaaliya ka soo baxay. Ethiopia Airlines iyo FlyDubai way u hoggsansameen amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Ma cadda tallaabada ay dowladda federaalka ka qaadayso PaySii oo ugu yaraan 90% macaamiisheedu lacago u diraan Koonfurta Soomaaliya.

© Puntland Post, 2024

The post PaySii oo aan weli u hoggaansamin amarka dowladda federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this