Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: DF Soomaaliya oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay dhowr arrin

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan dheer oo ka kooban 23 qodob, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah, oo qeyb ka yahay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Shiinaha iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxaa qoraalkan oo ah warbixinta toddoobadlaha ee dowladda lagu soo qaatay xiisadda Itoobiya iyo baaqii golaha wasiirada ee “in loo midoobo difaaca dalka, laguna caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.”

Hoos ka aqriso qodobada oo dhameystiran

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Beijing, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Mudane Xi Jingping.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir madaxeedkka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha ah oo ka dhacaya magaalada Beijing.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing kulamo kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell oo ay ka wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo kulankaasi looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly, waxaana kulankan looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaahiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

12- Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saarey baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana lagu caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

16- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad ee dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya.

17- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

18- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniino culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys, ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada iyo Barnaamijyada Documentariga u soo xiray ilaa 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta qaranka, shirkadaha filimada sameeya iyo warbaahinta kale ee dalka ka jirta.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumatinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM, waxaana kulankaasi looga hadley xoojinta sharciyada difaaca xuquuqda carruurta.

21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka.

22- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Moalim Fiqi, ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkii 9-aad heerka Wasiir ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Beijing.

23- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ku burburiyeen fariisimo ay cadowga ku lahaayeen.

The post Aqriso: DF Soomaaliya oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay dhowr arrin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this