Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadhi uu leeyahay wasiir Cali Mareexaan iyo gaadhi wiil shicib ahi watay oo isku dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaadhi Qof shacab ahi leeyahay Iyo Gaadhiga Wasiir xukuumada Somaliland ka tirsan uu leeyahay oo isku dhacay Iyo khasaaraha ka dhashay.

Gaadhiga uu leeyahay Wiil dhalinyar ah oo Reer Somaliland ah iyo Gaadhiga Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexan ayaa si xun iskugu dhacay .

Waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan inta la Ii xaqiijiyay waxa jira dhaawacyo gaadhay Dhalinyaradii saarnayd Gaadhiga Noohada ah.img_1_1725631090614.webp

Ciidamada Taraafikada ayaa hada soo gaadhay goobta shilka waxanay bilaaben baadhista.

Goobtan oo ay Ishaaro ku taalo una dhow Guriga Madaxweyne ku xigeenka iyo Xarunta CID-da ayaa waxa ku yaala Kamarado badan oo laga ogaan karo cida Shilkan khaladkiisa leh Ciidamada Taraafikaduna u soo bandhigaan muuqalka CCTV camaredu duubtay sidii ay hore ay ugu soo bandhigi jireen oo kale .

Luqmaan Maxamed

img_2_1725631165696.webp

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this