Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay dalal badan oo Turkigu ka mid yahay u doonayaan inay soo iibsadaan dahab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiyada dhexe ee dalal badan oo dunida ah ayaa xaddi badan oo dahab ah soo iibsanaya. Waxaa ka mid ah Bankiga Keydka ee Hindiya.

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Dahabka Adduunka ayaa lagu sheegay in bishii July keliya, iibka ay sameeyeen bankiyada dhexe ay gaartay 37 tan.

Dalalka iibsanaya dahabka waxaa ka mid ah Poland, Türkiga, Uzbekistan iyo Czech Republic.

Si kastaba, iyadoo soo iibsashada dahabka ay xowli ku socoto, haddana waxaa jira dalalka qaar oo bankiyadooda dhexe ay iska iibinayaan dahabka

Tani waxay kusoo aadeysaa iyadoo xiisadaha adduunka ay kordheen sababo la xiriira dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kan Gaza iyo Israa’iil iyo xasaradda deegaanka.

Dalalkee iska iibiyay dahabka?

Sida laga soo xigtay Golaha Dahabka Adduunka, intii lagu guda jiray bilihii dhexe ee sanadkan sida April-June, Hindiya ayaa noqotay dalka labaad ee soo iibsada dahab.

Bankiga Dhexe ee Poland ayaa noqday kan ugu horreeya liiska dalalka xaddiga ugu badan ee dahab soo iibsaday kaasoo gaarayay 18.68 tan, halka Bankiga Keydka Hindiya uu soo iibsaday 18.67 tan oo dahab ah intii isla muddadan lagu dhex jiray (April-June). Turkiga ayaa soo iibsaday 14.63 tan, Uzbekistan ayaa soo iibsaday 7.46 tan, iyo Jamhuuriyadda Czech oo iyana iibsatay 5.91 tan oo dahab ah intii muddadan lagu dhex jiray.

Bankiyada Dhexe ee adduunka ayaa soo iibsaday 183 tan oo dahab ah qeybtii dhexe ee sanadkan, halkaasoo 173.6 tan oo dahab ah lasoo iibsaday isla muddadan oo kale balse sanadkii 2023.

Qeybtii labaad ee sanakan, sida April-June, Kazakhstan ayaa iska iibisay 11.83 tan oo dahab ah. Singapore ayaa iska iibisay 7.7 tan oo dahab ah halka Jarmalka uu iska iibiyay 780 kg oo dahab ah.

Dahabka ayaa sanado badan qeyb muhiimsan ka ahaa keydka hantida dalalka wuuna sii yahay weli.

Sida laga soo xigtay warbixinta Golaha Dahabka Adduunka, bankiyada dhexe ayaa 1,037 tan oo dahab ah dhigtay keydkooda sanadkii 2023. Bankiyada dhexe ayaa 1,082 tan oo dahab ah keydsaday sanadkii 2022. Xogtan ayaa muujineysa in bankiyada dhexe ay weli ahmiyad badan siinayaan dahabka iyagoo hanti ahaan u keydsanaya.

Dahabka ayaa keyd sugan u ah bankiyada dhexe. Wuxuu ka caawiyaa xasilinta dhaqaalaha inta lagu guda jiro xasaradaha dhaqaale sidoo kalena wuxuu dheellitiraa keeydka.

Doollarka Mareykanka ayaa astaan u ah ‘lacagta keydka’ bankiyo badan oo adduunka ku yaalla ayaana hiigsanaya inay yareeyaan ku tiirsanaantiisa dahabka ayaana door muhiim ah ka qaadanaya arrintan.

Dahab

Waa tan sababta ka dambeysa inay dalalka soo iibsadaan dahabka

Anuj Gupta, oo ah madaxa hantida iyo lacagaha ee shirkadda HDFC Securities ee dalka Hindiya, ayaa sheegtay, “Sababo la xiriira doollarka oo sii dhacaya, bankiyada dhexe ayaa dahabka ku darsanaya qorshahooda. Qof walba wuxuu aaminsan yahay in haddii Mareykanku uu in badan sii jari karo dulsaarka, markaa qiimaha doollarka uu dhici karo, sidaa darteedna waxay hiigsanayaan dahabka.”

“Marka la eego sida dhaqaalaha Mareykanka uu deymo usii galayo, waxaa jira cabsiyo laga qabo in doollarku uu qiimo dhici doono xilliyada soo socda.”

Anuj ayaa tiri, “Hindiya ayaa sidoo kale tan ku darsaneysa qorshaheeda. Hindiya waa inay kordhisaa keydkeeda dibadda. Haddii Hindiya ay sidoo kale soo iibsato dahabka beddelkii doollarka, waxaa u suurto galeysa inay daabacdo lacag badan. Tan ayaa sidoo kale sabab u noqon karta arrintaas.”

Marka tan laga soo tago, xiisadaha la xiriira dhulalka ayaa sidoo kale kusii kordhaya qeybo badan oo dunida ah. Haddii ay qaar kale oo dheeri ah dhacaan, qiimaha lacagta ayaa hoos u dhici doonta qiimaha dahabkana wuu kordhi doonaa

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this