Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha + Qodobada

Recommended Posts

Deeq A.   
458252759_960246939479779_70908534415301

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah Madaxtooyada Beijing kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping ayaa xusay ballan-qaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Si gaar ah wuxuu Mr. Jinping u carabaabay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sidoo kale madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, waxayna Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, ayada oo dhinacyadu horey u gaareen heshiisyo kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

458252759_960246939479779_70908534415301

458470480_960246956146444_40999605117250

458382591_960246952813111_82631444665024

458503833_960246972813109_80538174527024

458490426_960246946146445_66225803701682

458916840_960247919479681_31289894585062

458608241_960248032813003_84596916526934

The post Sawirro: Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha + Qodobada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this