Somalina Posted November 2, 2010 2010/11/01 | la daabacay Abdikafar Bar-Kulan Ku xigeenka ergeygya guddoomiyaha guddiga midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Nayroobi ay kaga hadleen qorshaha midowga Afrika uu wado ee ku saabsan tababarka la siinaayo ciidanka booliska ee dalka Soomaaliya. Wafula Wamunyinyi ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu ka mid yahay laamaha dowladda ee burburay kadib markii la riday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991, sidaa darteedna loo baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Tababarka loo sameyn doono booliska ayaa waxaa uu ka dhici doono dalalka Jabuuti iyo Kiinya iyadoo dalka Jabuuti lagu tababari doono taliyayaasha iyo saraakiisha sar sare ee booliska halka xarunta tababarka ee Manyani oo ku taala dalka Kiinyana lagu tababari doono askarta booliska ee caadiga ah. Wamunyinyi ayaa sheegay in dhulka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ka qabsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ah loo baahan yahay inay ilaaliyaan wadooyinkana ay roondooyin ku sameeyaan ciidanka Booliska ka dib markii uu u soo dhamaado tababarka loo sameynayo. Dhanka kale taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa sheegay in haatan xoogga booliska ee dalka Soomaaliya uu ka koobanyahay ilaa iyo ku dhawaad 7,000 oo askari kuwaas oo ka mid ah saraakiisha tababarka la siin doono si ay u noqdaan ciidamo ku shaqeeya xeerka askarta ee caalamiga ah. Saraakiishaas oo qeyb qeyb tababarka u qaadan doono ayaa haatan waxaa loo diyaarinhaya visooyinkoodi oo ay ku tagi lahaayeen wadamaad Kiinya iyo Jabuutui sida uu sheegay Benzu Siyanzanana oo ah taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM. Dowladda KMG ah ayaa dooneysa in ciidamadeeda booliska ay gaarsiiso ilaa iyo 10,000 oo askri waxaana lagu wadaa in tiradaas ay goor dhaw ay gaaran si ay dowlada u hesho boolis suga amniga wadooyinka iyo deegaanada ay militariga ka qabsadeen kooxaha hubeysan ee mucaaradka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted November 2, 2010 once they finished they just go join alshabaab and sell their guns to them as well loool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 2, 2010 ^^ why would any one die for TFG. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 2, 2010 kkkk...look at the Somalidiid groupies. Sakiin laqa kuligiin after aad qarawga ka soo toostaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 2, 2010 ^^ awoowo goormanu somalidiid noqonay, somali aan anagu ahayn ba ma jirto eeh , laakin dee somalidu wa amisom diid manad sida aqoon. Anigu ah nin somaali ah waan ka naxa markan arko xammar oo dhaxal guureysa oo dadyoow oo aan soomaali ahayn oo dadka saanta madow eeh afrikada fog laga keenay ku dhex gaardinayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 3, 2010 Nina Somalidiidku waa xaasidiin qabiil baa lafaha ka galy , waxa ee ka xunyihiin oo ka baqayaan inay Dowlad Soomaaliyeed xoogeysatu, waayo Midnimadii iyo Qarankii Soomaaliyeed baa soo noqonaya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 3, 2010 Awoowe, anagina waxaa i dhibeysa Ethiopian ka xamaalanaaya dekeda Berbera oo xaaskiisa lacag u diraayo whilst Somaligii Berbera ama tuuloyinka u dhow degenaa uu shaqo la'aan yahay and doesn't know how to feed his family (a real story). Marka, you should worry about that first, intaad AMISOM ku mashquulsantahay. Askartan la traingareynayana aad ayey ugu baahan yihiin in la baro the proper way of doing things. Haddana AS kama tirsana mana u socdaan, marka kuwa xumaanta saadalinaaya ayaan ku iri "sakiin laqa Soomalidiidyaho". Warku waa intaas. @Liibaan...you are right... just look at JB puking on every thread about Mogadishu's development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 3, 2010 Originally posted by NinaNC: Awoowe, anagina waxaa i dhibeysa Ethiopian ka xamaalanaaya dekeda Berbera oo xaaskiisa lacag u diraayo whilst Somaligii Berbera ama tuuloyinka u dhow degenaa uu shaqo la'aan yahay and doesn't know how to feed his family (a real story). Marka, you should worry about that first, intaad AMISOM ku mashquulsantahay. Askartan la traingareynayana aad ayey ugu baahan yihiin in la baro the proper way of doing things. Haddana AS kama tirsana mana u socdaan, marka kuwa xumaanta saadalinaaya ayaan ku iri "sakiin laqa Soomalidiidyaho". Warku waa intaas. @Liibaan...you are right... just look at JB puking on every thread about Mogadishu's development. Awoowo wa si fican ciidankan Booliska eeh la tabba baray wa wax so kordhin kara amniga magaalada muqdisho. Laakin qolyahan afrikanku runti kheyr uma so wadaan , Ninka Ethiopianka eeh ka xamaalanaya somaliland eeh xashiska ka gurayo qori ma sito cinda ma dilayo wa miskin cali beysteyn oo nugu hoos Nool. Laakin waxa weye ina commen interest la yeesho dan guud umada ka dhexeyso oo la isu tanasulo Imika Amisomka dadkay ay leyso ya lo raacaya? ma midowga africa Reer Muqadisho wa inay ka fakiran ayaha mustaqbalkoda iyo maatada marba la qixinayo wa wax laga naxayo runti, Inshallah kheyr beynu rajeyneyna Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 3, 2010 ^Waxa ah wax laga naxo awoowe, kuwa walaalahood u laynaya xaasidnimo, isku qarxinaya meel walba, dhacaya xoolihii dadka masaakiinta, caruurtii brainwash gareynaya, doonaya iminka iney dumarka ka qeyb qaataan dhiiga ay cabayaan, and wait for it-----kana amar qaadanaya a CIA operative. Now that is wax laga naxo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 3, 2010 Wa runta ila xad qolyaha irhaabiga ama kooxda al shabaab iskugu yeedha laftigeedu dulmiga iyo dhibaatada lug fara badan bey ku leedahay somaliya, Laakin haka dhigin inay qoladan amisom ay yihin Maaliig soo daahiray ummada somaliyeed loo soo diray Awoowo , alshabaab meelahay ka taliyaan wa nabad buuxda markaad ad runti eegtid jubooyinka shabeelada dhexe dagaalku wuxu markasta ka dhaca Magaalada muqdisho iyo agagaarkeeda iyo gobolada dhexe dhuusamarabeeb galguduuud .As for cia inay lug ku leeyihin alshabaab ta cadayn uma hayno, Nin NC gabadh aad u caqli badan baad tahay umana malayn mayo inad tahay dadka somalida eeh aminsan somalida walo heshiyey oo maraykan iyo kharbiyinta ayaa aan rabin inay marnaba somali dawladi ka dhalan.? Wa in shacabka loo tudha muhimad wa ta bal aynu eegno xukumada cusub eeh Mr farmaajo iyo qaabku wax u wado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 3, 2010 Ayeeyo ku dheh igaarka yaaqeey. Awoowena xee ahayd. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted November 3, 2010 ^horta ma isweydiisaa sababta ay Xamar dagaal ugu socdo marwalba? gobolada aad tiri waa nabadna yaa jooga? ciidan kale?meel teenage girls la iska tooganaaya bilaa sharci, lugaha iyo gacmaha caruurta laga jaraayo maxaa yaala? nabad? AS xoogada dhan waa Muqdishu, ilaa iyo hadana meysan gaarin objective-kii ay isku maaweeliyeen iney gaari karaan. Dagaaladii ilaa iyo hadda qolo meel ku gaartey ma jirto, marka haddii ay dad ka naxaayaan hala heshiiyaan dawlada intey goori goor tahay. ICU heshiis bey doorteen si ay dadkooda dhibka ugu joojiyaan, kuwanina iney sii qarxiyaan dadkooda ayey doorteen. AMISOM-na are not without faults adeer, laakiin waxaan ogahay iney bukaanka iyo maatada ku daaweyaan isbitaalkooda, deeqna siiyaan barakacayaasha, iyo isbitaalada Xamar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 3, 2010 Good development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 3, 2010 Good development. Quote Share this post Link to post Share on other sites