Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Sahay u siday kooxaha Argagixisada ah iyo gaarigii ay wateen oo lagu qabtay Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
ook-860x741-1.jpeg?resize=860%2C741&ssl=

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday degaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha  waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday kooxaha argagixisada kaasi oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.

Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay in ay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.

Taliska Ciidanka ka Booliska gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay waxaana uu intaasi raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.

PUNTLAND POST

The post Rag Sahay u siday kooxaha Argagixisada ah iyo gaarigii ay wateen oo lagu qabtay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this