Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo ka deyrisay xaaladda ba’an ee ka taagan marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
thumbs_b_c_430075636362370f9124b667d4dd0

Afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto .

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xiriirka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.

Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.

40878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israa’iil ee Gaza halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7 dii Oktobar sanadkii tagay.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo ka deyrisay xaaladda ba’an ee ka taagan marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this