Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiimaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday 200 oo milyan oo yuan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725611250930.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing.

Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xaqiijiyay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

FB_IMG_1725611278728.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725611263797.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725611255060.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725611267446.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725611258877.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1725611271464.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Dowladda Shiimaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday 200 oo milyan oo yuan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this