Sign in to follow this  
AYOUB

Sharif Reshuffle?

Recommended Posts

AYOUB   

The opposition sites seem to be in celebratory mood about a supposed imminent reshuffling of Sh. Sharif's cabinet. Are they justified to be or is it just a spin? Is the process going to be the same old complicated one that paralysed Col. Yeys team? More importantly, is there anyone in SOL who has sold his soul and principles enough to deserve a top spot? < just kidding sxb smile.gif

 

 

Wasiirada DKMG , xil- wareejin, xil-ka-xayuubin , xil-buuxin iyo isku shaandheyn

Published: 18 July 2009

 

KN: Waxay u muuqataa in ay dhamaatay bishii malabka ee xukuumada DKMG ah, wax ka yar lix bilood markii loo magacaabay xilalka ay hayaan ayaa durbaba waxaa laga hadlayaa isku shaandheyn, xil wareejin iyo xil ka qaadis.

 

 

Wax noqonaya dhagax dhiga burburka dowlada cundunka ah ee uu hogaaminayo Shariif ee ay soo foodsaareen aafoyinka badan ayaa waxaa soo baxaya warar tibaaxaya isbadalo waaweyn oo lagu samaynayo xukuumada DKMG ah

 

Xil wareejin

 

Dhowr wasiir oo ka tirsan dowlada ayaa codsaday in ay xilka wareejiyaan oo kol hore gudbiyey iscasilaadooda balse wali aanan laga aqbalin, sida aan wararka hoose ku heeyno wasiirada la hadal hayo waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, iyo gaashaan dhiga.

 

Sh. Cabdiqaadir Cali Cumar oo hawada ka maqnaa tan iyo intii maleeshiyaadkii taabacsanaa ay kala tageen ayaa la sheegey in uu kol horaba ka biyo diidey siyaasada SHariifka, isla markaasina si toos ah oga baxay DKMG ah, waxay wararka intaasi ku darayaan in uu Shariifka u geeyey warqadiisa is casilaada balse aanan laga ogolaanin.

 

Waxaa la hubaa in Sheekh Cabdiqadir uusan ku nooleyn Villa Soomaaliya balse uu ku noolyahay meel Xamar ka tirsan oo ay ka taliyaan xoogaga muqaawamada, bilihii dhawaana waxaa soo baxayay in wasiirka uu si toos ah iyo si aan toos ahaynba ula shaqeynayay muqaawamada.

 

Arrinta khilaafka SH. Cabdiqaadir iyo Shariifka waxay cirka isku shareertey kadib afduubkii farenjiyinta oo madax dowlada ka tirsan ay wasiirka ku eedeeyeen in illaaladiisa ay ka dambeeyaan, balse uu isaga daffirey, wasiiro olog la ah Shariifka ayaa ku riixaya in uu aqbalo iscasilaadiisa.

 

Prof. Cabdi Maxamed Gaandi waa wasiir kale oo isagana doonaya in uu is casilo, wuxuu ku magacaabanyahay wasaarada Gaashaandhiga, wararka aan heeyno oo ay noo xaqiijiyeen dad ku dhowdhow oo Nairobi ku sugan, Prof. Gaandi wuxuu xilkiisa isaga tagayaa isagoo illaashanaya sumcadiisa shaqsiga ah iyo isku dhac xagga shaqada ah oo ku timid wasaaradiisa.

 

Arrimaha waxay sii cakirmeen markii wasiiru dowlada gaanshaandhiga Shariifka u magacaabay dagaal ooge Yuusuf Indhacade, magacaabista Indhacade ayay waxay keentey in uu ku dhaqaaqo talaabooyin jar iska xoornimo ah oo aanan lagu qancin, Gaandi oo ah nin aanan lahayn qibrad shaqo ciidan ayaa waxaa cabashooyin u keeney saraakiil ka tirsan ciidamada oo ka cabanaya Indhacade iyo wax isdaba marin baahan oo ay sameeyeen rag kale oo ciidamada ka tirsan.

 

Prof. Gaandi ayaa la sheegey in uu ka xanaaqay rag uu ka mid ah Cabdifataax Shaaweey oo qasaya arrimaha ciidanka iyagoo aanan ka tirsanayan taliska ciidanka, waxaa kaloo jirta isku dhexyaac shaqooyinka iyo waajibaad iyo doorta miliratiga iyo Police iyadoo arrimaha ciidamada militariga uu faraha ula soo galaya Cabdi Qeybdiid oo ku magacaaba taliska Police-ka

 

Arrintii ugu weyneyd ee Gaandi iyo Shariifka isugu dhaceen ayaa ah sidii loo maareeyey hubkii dowlada Maraykanku siiyey,gaar ahaan maleeshiyo beleedyo aanan tabobar ciidan lahayn oo hubka loo qeybiyey kuwaasoo markii dambe la goostey hubka ama iibsadayba

 

Waxaa la sheegey in xilka Gaandi uu noqdey mid Magac u yaal ah oo aan waxbo ku turneyn, fadeexadii ugu dambeysey waxay wasiirka qabsatay markii har cad la afduubtey sirdoonkii faransiiska ee wasaaradiisu ku casuumtey dalka, dowlada faransiiska ayaa la sheegey in ay iska raaricisey Prof. Gaandi dushana ka saartay mas’uuliyada raga maqan balse uu isaga iska riixay.

 

Waxaa la filayaa in Shariifku ogolaado is casilaada raggani

 

Xil ka qaadis

 

Dhanka kale waxaa jira wasiiro illinka la tusin doono haddii ay diidaana daaqada laga saari doono, waxaa ka mid ah wasiirada ay marada ka dhacday sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu heysto fadeexadii iibsiga badda iyo wasiir Jorille oo isagana lagu heysto qandaraas iyo heshiisyo uu macaash ka heley oo xagga isgaarsinta ah oo uu la galay shirkado ajaaniib ah.

 

Wasiiradani xilka laga qaadayo oo aanan la heynin tiradooda rasmiga ah ayaa la sheegey in Shariifka lagu qasbayo kadib markii ay fadeexado iyo muran aan loo baahnayn usoo jiideen dowlada taaso sumcadeeda hoos isuu dhigtey.

 

Xil buuxin

 

Kadib dhimashadii Col. Cumar Xaashi oo ku magacoownaa wasiirka abniga qaranka waxaa soo baxday baahida ah in booskiisii la buuxiyo, warar aanan la hubin ayaa ka hadlaya in lagu badalayo Sheekh Cabdiraxmaan Macoow, gudoomiyihii maxaakiimta Hiiraan oo dhawaanahanba ku sugnaa Xamar ayna isku heyb yihiin ninka dhintay.

 

Sidoo kale wasiirada la eryayo iyo kuwa iyaga iskood u tagay ayay tahay in booskooda la buuxiyo, waxaana xilalkani u baratamaya rag badan oo ka xamaartamaya daaha gadaashiisa,la arki doonee kuwa ay yihiin

 

Isku shaandheyn

 

Waxaa jirra wasiiro uusan Shariifka diyaar u ahayn in uu xilkooda ka qaado balse kasoo bixi waayay shaqadooda, isla markaasina sameeyey qayaanooyin la yaab leh oo ay ka mid tahay lacago lunsi

 

Waxaa wasiiradaasi ka mid Shariif Xassan Sh. Aadan (Shariif Sakiin) oo ku magacaaban wasiirka maaliyada, mid ka mid ah waxyaalaha lagu heysto waxaa ka mid ah in uusan qibrad iyo aqoon u lahayn wasaarada uu hayo oo ah mid muhiim ah, waxay tani kaliftey in dhawaan qandaraas la siiyo shirkad Britain laga leeyahay oo xisaabisa qarashaadka dowlada la siinayo, mudadii yarayn ee uu xilkani hayay waxaa lumey lacago badan oo isaga soo martay.

 

Sidaasi darted waa in xilalkooda laga badalaa isaga iyo rag kale, loona magacaabaa wasaarado kale.

 

Arrimahani oo dhan waxa ay ka dhiganyihiin qalalaasihii ugu balaarnaa ee soo foodsaara DKMG ah oo dhan kasta ka fashilantay markani, lamana yaqaano sida Shariif oga dabaalan karro moowjadahani kusoo rogmey.

KismaayoNews.com

.

 

 

C/Raxmaan Cabdi Shakur, Cabdullaahi Oomaar, Iyo C/Qaadir Cali Cumar, oo ka mid noqonaya Wasiirro Jagooyinka ay hayaan laga qaadayo Iskushaandheyn la sameynayo maalmaha soo socda.

 

Muqdisho,Sabti,18, July,2009 (Hillaac.Net) Iskushaandheyn Shariifka iyo Ra'isulwasaarihiisa ay isla garteen in lagu sameeyo Golahooda Wasiirada ayaa Warar hoose oo inaga soo gaaray waxay sheegayaan in C/Raxmaan C/Shakuur, C/llaahi Oomaar iyo C/qaadir Cali Cumar ay noqonayaan Wasiirada ugu horreeya ee laga qaadayo Jagooyinka ay Dowladda ugu magacaaban yihiin, Iyadoo sidoo kalena Qaar kale oo ka mid ah Golaha Wasiirada Jagooyinka ay ku Magacaabanyihiin isku shaandheyn lagu sameynayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda C/llaahi Oomaar ayaa sida la sheegay Xurguf xooggani ay u dhexeysaa Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sheekh Aadan, oo ah Ninka ugu Awoodda badan Dowladda Sharifka Dadka qaarna ayba ku Tilmaamaan in uu yahay Hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Shariifka, Maadaama Siyaasadda uu isagu rabo ay Dowladdu ku shaqeyso, Cidduu donana uu u Magacaabo Jagada uu doono, Xurgufta u dhexeysa Shariif Xassan iyo Ina'Oomaar ayaa ah baa la leeyahay Ujeeddada ugu weyn ee ka dambeysa in isku Shaandheyn Guud lagu sameeyo Wasiirada, Maadaama aan Mr Oomaar kaligii Jagada toos looga qaadi karin.

Sidoo kale C/Raxmaan C/Shakuur ayaa Caqabad weyni ay ka soo Wajahday Cusbooneysiintii Baasaboorkii Qaxootiga ee ay Dowladda Ingiriisku siiyeen, Waxana ay Dowladda Ingirisku ay ku Gacanseyrtay in ay u Cusbooneysiiso Baasaboorkiisa Maadaama uu Sharcigii Qaxootiga ee Waddankaas u yiillay jebiyey Baasaboorka Qaxootiga ee Mamnuuca ka ahaa Waddankii uu iska soo dhiibay ee Soomaaliyana uu ugu Safray, Weliba uu Wasiir ka yahay Dowladda Soomaaliya, Arrinkaas oo Qaxootinnimo in loo sii Aqonsanaado Ciriiri gelisay, Sidaadaraadeed ayaa sida la sheegay Ina C/Shakur uu Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha ka Codsaday baa la leeyahay in si kumeelgaar ah Jagada looga sii qaado maadaama uusan Howshiisii Wasiirnimada sii wadan karin Waddanka Ingiriiskana uu ku xayiran yahay.

Sidoo kale C/Qaadir Cali Cumar oo ku dhex wareeray Siyaasadaha ay Cagta saartay Dowladda uu Shariifku Madaxda u yahay Isla Markaana Ciidamadii Maxaakiimta Gudaha ee Madaxda uu ka ahaana ay ka kala tageen ayaa dhowr jeer oo hore codsaday in Jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ka dego laguna beddelo Ruux uga Habboon, Waxana Haatan la Hadalhayaa in C/qaadir Cali Cumar Jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha laga qaadayo Isla markaana laga Codsanayo in uu qabto Jagada Wasiirka Diinta.

Iskushaandheyntan lagu sameeynayo Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale sida Warbixintu nagu soo gaartay waxaa Wasiirro laga siinayaa Beelo ka Carooday Dowladda Shariifka kadib markii ay iska dhex waayeen, Waxana Wasiir ka helaya Dowladda Haatan Beesha Muddulood oo aan horay ugu lahayn 1 Wasiir si Shariifku uu uga yaraado Cadaadiska ka haysta Xagga Beesha Muddulood oo ku eedeyneysa in uu Beesha ka maarmay Maganna u noqday Beesha **********.

Isku soo wadaduub waxaan Shaki ku jirin in Iskushaandheyntan cusub ee la sameyn doono ay Beelo kale oo Caradoodii hore la hurda ay Dib u toosin doonto, Guux horena ay soo celin doonto.

hillaac on July 18 2009 19:47:31 ·

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this