Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Itoobiya + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725529271920.jpg?fit=1080%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda kasii dareysa ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray xiisadda taagan, gaar ahaan ilaalinta madax banaanida dalka.

Golaha oo bayaan culus soo saaray ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan difaaca madax banaanida Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammeystiran:-

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

FB_IMG_1725529311028.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529297576.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529291915.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529294118.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529286574.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529282652.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529280715.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529276776.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529274305.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529271920.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1725529278712.jpg?resize=696%2C46

The post Golaha Wasiirada oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda Itoobiya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this