Sign in to follow this  
Deeq A.

Golah Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Heshiis is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1725528827718.jpg?resize=720%2C48

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Argagixisada.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Argixisada ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna. 

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Argagixisada

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

PUNTLAND POST

The post Golah Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Heshiis is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this