Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ka walaacsan Fashilka Xabbad-joojinta marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
a620b9f0-12e4-4506-a9d8-f78d51980f4d_w40

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay in lagu fashilmay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo Israa’iiliyiinta ku jira gacanta Xamaas.

Walaaca Golaha Ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Danjiraha Slovenia ee Qaramada Midoobey Samuel Žbogar oo hadda ah Shir-guddoomiyaha Golaha Ammaanka, xilkaas oo ah mid meerta ah oo bishiiba uu waddan guddoomiyo, ayaa sheegay in ay jirto caro laga dareemay dunida oo ku saabsan, sida bulshada caalamka ugu fashilantay dhibaatada Falastiin ka jirto.

Wuxuu kaloo sheegay in bulshada caalamka ay ka careysantahay joogsi la’aanta dagaalka ka socda Gaza.

Hadalka danjirahan ayaa yimid, kaddib kulan ay codsatay Israa’il oo uu Goluhu isugu yimid Arbacadi, kaddib dilki Gaza loogu geystay lix ka mid ah tobnaanka reer Isra’il ee gacanta ugu jira Xamaas iyo kooxaha kale ee ka dagaallama Gaza.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ka walaacsan Fashilka Xabbad-joojinta marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this